KASBO QULUUBTOODA (FREE)

HORDHACA BUUGA

Buug yarahan waxa uu si kooban oo qoto dheer uga hadlayaa cilmiga fagaare ka hadalka iyo waxyaabaha aasaasiyaadka u ah, sida khudabadaha iyo noocyadooda, inta loo qaybiyo iyo waliba waxyaabaha ay tahay in uu iska ilaaliyo madal ka hadluhu/ hadal soo jeediyuhu.

Faa’iidooyinka Barashada Fagaare Ka Hadalka

❖ In ay kobacdo awoodda aqooneed ee Fagaare ka hadalku.
❖ In uu qofku helo Kalsooni uu ku soo bandhigi karayo afkaartiisa wanaagsan iyo waliba xogta uu rabo in uu la wadaago koox gaar ah ama mid guud.
❖ In uu qofku horumariyo Aftahanimadiisa.
❖ In uu qofku noqdo mid awood u leh in uu yeesho xirfadda ka dhaadhicinta (Persuasive Skill), taas oo ka saacidaysa in uu ahaado mid hadalkiisu mar walba saamayn ku yeesho cidda uu la hadlo.
❖ In uu qofku barto Hanaanka Diyaarinta Qudbadaha.
❖ In uu qofku barto kasbashada quluubta dadka.

Fagaare ka hadalka iyo Qeexitaankiisa:

• Fagaare ka hadalku waa hab iyo hanaan cilmiyaysan oo uu qof ula hadlayo koox dad ah, si uu uga dhaadhiciyo farriin uu sido.
• Fagaare ka hadalku waa habka uu qofku ula hadlayo koox dad ah oo qaabaysan hanaan u qaas ah, si uu u saameeyo, u madadaaliyo amaba uu wax uga dhaadhiciyo.
• Fagaare ka hadalku waa awoodda aftahanimo ee lagu kasbado quluubta dadka.

Fagaare Ka Hadalka iyo Shaqada:

✓ Wuxuu kaa caawinayaa in ay fikradaadu noqoto mid aad si fiican u gudbiso marka shirarka la iskugu imaado.
✓ In aad horumariso fikradaha ganacsi ee shaqadaada iyo shirkada aad la shaqaynayso.
✓ In aad yeelato awood xidhiidh oo saamayn leh.
✓ In aad yeelato saamayn.
✓ In aad noqoto qof heer garaadkiisu cabireed sarreeyo.
✓ In aad noqoto qof haldoor u ah shaqaalaha, markay noqoto dhanka aftahanimada iyo kasbashada quluubta.

Fagaare Ka Hadalka iyo Waxbarashada

✓ In aad noqoto mid dhiirran oo awood gudbineed leh.
✓ In ay kalsoonidaada waxbarashado kor u kacdo.
✓ In aad hoggaamiso oo aad noqoto mid ka dhex muuqda Ardayda.
✓ In aad yeelato saamayn.
✓ In aad noqoto mid aanay dhib ku haynin in uu soo bandhigo fikradihiisa ama casharada loo diro, ugana soo baxa sida ugu quruxda badan.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 21 Page
Size: 572 KB

Shopping Cart