XULASHADA GUURKA PDF

HORDHACA BUUGA

Buugga Xulashada Guurka muhiimadda ugu weyn ee laga leeyahay waa in dhallinta guurdoonka ahi ay helaan meel ka kaalmeysa hanuunka & hogaansanka laxiriira gaarista nolosha wanaagsan ee guurkooda mustaqbalka & hagaajinta hankooda Insha Allaah.

Sabababaha keenay in buuggaan Guryosamo diyaariso waa dhibaatooyinka dhallinta guurdoonka ah ka haysata ku hagidda helitaanka qof qiimo badan oo ku taageera guurka & guud ahaan nolosha oo idil.

Ugu dambayn wuxuuna buuggu koobayaa inta badan tilmaamaha ugu wanaagsan ee inanka ama inantu ay si sax ah ugu xulan karaan qofka ay rabaan iney lawadaagaan nolol guur oo qiimo badan, una horseedda hanuun & horumar sare

Ahmiyadda Guurka

Guurku waa waa guntan adag oo ka dhaxeeya lab & dhadig (gabar & wiil) si ay u wada gaaraan nolol bili’aadam gaaro tan ugu qiimaha badan taasoo ku dhisan Jacayl, Ixtiraam, Kalsooni, Amaano, Ismaqal & Qanaaco ka dhaxeysa labada qof ee guurka ku heshiiya.

Guurku waa nolol ku dhisan Naxariis & Jacayl taas oo dhexmarta laba qofood lab & dhadig, waxaana ka dhasha Xuquuq & Waajibaad koraya labadooda, si ay u xaqiijiyaan hadafka guurka oo ah nolol wanaagsan Aduun & Aakharaba, taasoo u horseedda hagaagsan.

Guurku waa guntan qiima badan kaasoo kulmiya lab & dhadig, Allaah (Sw) ayaana jideeyay, waxeyna gaaraan labadaa qofood ee guurku dhexmaro nolosha ugu qiimaha & qadarinta badan taasoo ah daganaansho, Jacayl & Naxariis waarisa abid inta ay noolyihiin.

Guurku waa nolol u horseedda labada qofood ee Islaamka ah daganaansho Maskaxeed & mid Jireed intaba, taas oo sababeysa iney hantaan ama ay haleelaan nolosha ugu qiimaha badan dunida.

Guurku waa guntan adag oo Islaamku nafaray kaas oo noo horseedaya raalli ahaanshaha Allaah (Sw) isla markaana guurku waxaa weeyaan Sunnadii Anbiyada.

Allaah (Sw) wuxuu naleeyahay Aayaadkeyga waxaa kamida Naftiina inaan ka abuurnay Xaasaskiinna si aad ugu xasishaan, waxaana yeelnay dhexdiisan Kalgacayl & Naxariis, daliisha (Qur’aanka, Ar-ruum, Aayadda 2).

Sidoo kale Allaah (Sw) wuxuu naleeyahay “u guuriya adoomadeyda wanaagsan oo idinka idinka mid ah; hadeysan xoolo haysanin Allaah (Sw) ayaa ka deeqaya dheeraadkiisa, ogaadana Allaah (Sw) waa ogaal badane deeqdiiso badantahaye” (Suurada Al-nuur, Aayada32).

Suubane Nabi Muxammad (Scw) wuxuu nagu yiri: “Dhallinyarooy ninkii kara ha guursado, maxaa yeelay guurku araggaaga & cowradaada ayuu xumaha ka ilaalshaa, kiinna aan awoodinna ha Soomo, sababtoo ah Soonku waa difaacaha xumaha dhamaantii”

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 181 Page

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *