Buuggani waxa uu gorfaynayaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, waxa uuna soo qaadanayaa dhacdooyinkii iyo dagaalladii dhacay dagaalkii labaad ka dib ilaa iyo 1992. Waxa uu akhristaha hordhigayaa ujeeddooyinkii dagaalladaas ka dambeeyay, waxa uuna barayaa sida siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanku ay u shaqayso. Soojeedinta iyo gorfaynta Jomaski ma aha mid mala’awaal ah ama baasaysi keliya ah ee waxa uu ku xoojinayaa tixraacyada iyo xogaha uu ilaha rasmiga ah ka soo dheeganayo ee aad buugga ugu dhex tegi doontid. Waxaa suuragal ah in xogaha aad buugga ugu tagtaa ay wax ka beddelaan aragtidii aad ka haysatay dagaallada Bariga Dhexe, bariga fog iyo galbeedka shishaba, waxaana macquul ah in aad fahanto wax ka mid ah qaabka ay u shaqayso siyaasadda dunidu.