LOOLLAN XEELADAHA DAGAALKA PDF

HORDHACA BUUGA

Dhiganahan "Loollan/ Xeeladaha dagaalka" waxaa qoray manmaal shiine ahaa oo la odhan jirey Sun Tzu (Soon Tisuu). Inkasta oo uu yahay buug waayo hore la allifay, haddana waa mid ka mid ah tiirarka ugu ad adag ee istiraatiijiyadda ciidanka looga shidaal qaato waayaheenan. Waxa uu Sun Tzu u dhashay askarina uu u ahaa Boqortooyadii hore ee shiinaha ka jirtay waagaas. Waxa uu ka dhashay qoys ciidannimada ku sheeggan oo aabbihii iyo awowgiiba waxa ay ahaayeen taliyayaal sheeggan oo sharaf ku leh ciidannimadooda,

taasina waxa ay sababtay in uu dhabbadoodii dabaguro oo isaguna uu taliye noqdo, khibraddoodii oo uu dhegta ka maalay iyo tiisa uu ka ilsugtayna uu isku daro, ka dibna uu gaadho derejadii waayahaas ugu sarraysay ee aqoonta iyo falsafadda ciidannimada laga gaadhi jiray, oo ahayd Ustaad ama Macallin weyn, waana macnaha magaciisa Tzu. Waxa iyaguna koriyay aqoontiisa ciidannimo waayihii uu noolaa oo ay Shiinuhu u qaybsanaayeen 130 dawladood, loollan adag oo dhexmarayna ay aakhirkii goobta isugu soo hadheen 5 boqortooyo oo waaweyni. Dhacdooyinkaasina waxa ay sii kobciyeen garaadkiisii ciidannimo.

Buugaan Waa mid ka mid ah buugaagta ugu caansan uguna mudan ee ilbaxnimooyinkii Shiinaha. Sababta illaa hadda kaalinta uu adduunka ugu jiraa u dhinmi wayday waxa loo aaneeyaa, in uu ilaa waayahan ugub ee wax waliba sidoodii iska dooriyeen ku habboon yahay oo xeerarkiisu ay yihiin isla kuwii waayahaasba la adeegsan jiray ee qaabka fulintu uun kala geddisan tahay. Waxana uu noqday buugga istiraatiijiyadeed ee Aadame qoray ee ugu mudan ilaa hadda. Sun Tzu waxa uu talooyinkan iyo tilmaamahan u soo tebiyay taliyayaashii la ayniga iyo ayaamaha ahaa in ay ka waxtaransadaan,

waxana aad u dhaqangaliyay tilmaamihiisa dagaalyahan sharafeedyadii sheegganaa ee reer Japan ee 'Samurai', sida ugu mudanna waxa uga sii faa'idaystay hoggaamiyaha ku suntan kacaankii horumarka Shiinaha ee 'Mao Zedong'. Ilaa haddana ganacsatada waaweyni isaga ayay istiraatiijiyadaha uga shidaal qaataan oo ku tiirsan yihiin. Maadaama ay adkayd helitaanka agabka qoraalku, waxa uu adeegsaday Sun Tzu weedho koobkooban oo ereyadeeda uu u doortay si ka fiirsi leh, afnaqayaashana aad ayaa ay u daaliyeen tarjumiddoodu, adeegsigana si ku habboon ayaa ay ugu soo baxayaan marka laga dhabaynayo ee fal loo rogayo.

Hindisaha Dagaalku xoogga saari maayo keliya sida libinta lagu gaaadhayo, ee waxa uu iyadana aad ugu nuuxnuuxsanayaa sida looga dheeraado jabka iyo khasaaraha, iyada oo aan dagaal la galin in guul la soo hooyana wuu higsanayaa. Allifaha dhiganahani waxa uu u doortay in uu aragtiyihiisa iyo mabda'yada uu ka qabo dagaalka iyo xeeladihiisa ku soo tebiyo weedho koobkooban oo murti mug weyn xanbaarsan, waxa uu u dhigay qaab ah hadal waa kii kooban ee kaalingal ah. Waa buuggii ugu horreeyay ee inta ilaa hadda laga warqabo waaxda dagaalka laga qoro, waxana uu xanbaarsan yahay falsafad ku habboon arrin kasta oo la aasaaso oo madax iyo minjo leh, maarayn iyo maamulna u baahan.

Dhiganahani kuma uu koobsan hindisaha dagaalka oo keliya, ee waxa lagu allifay Shiinaha oo qudha in ka badan 1,000 buug oo dhammaantoodba sharraxaya buuggan "Loollan" istiraatiijiyadihiisana ka shidaalqaadanaya oo fasiraya. Heerka uu ka gaadhay ahmiyadda uu u leeyahay aqoonta dagaalka, taliyihii reer-Ingiriis ee Marshal Montgomery waxa laga hayay: "waa lamahuraan in dhiganahan Loollan lagu daro liiska cutubyada waxbarashada ee kulliyadda ciidanka ee caalamka oo dhan".

Sun Tzu waxa loo aqoonsan yahay in uu yahay aabbaha sirdoonka Shiinaha. Macneheeduna ma aha in aanay Shiinaysku isaga hortii aqoonin basaasidda, ee waa in uu isagu muujiyay mucnaantooda, xeerar iyo qorshayaal u sameeyay, qayb qaybiyay, waax waliba waxa ay ku filan tahay iyo kaalinta ay ku jirtana muujiyay. Waa ninkii ugu horreeyay ee sameeya mareeg sirdoon ah oo isku xidhan oo dhan walba ka dhisan oo ka dhammaystiran. Qorshayaashaas uu dejiyayna waxa ka faa'idaystay 'Mao Tse Tung' oo halgankii dheeraa ee uu soo maray ku soo dhaqan galiyay.

Waxa iyaguna sidiisa u dhaqangaliyay Japan ka hor intii aanay galin dagaalkii 'Pearl Harbor'. Maamulka Ingiriiskuna waxa uu u qaybiyay askartiisii ku sugnayd 'Ceylon' waayihii Dagaalkii Labaad. Waxa uu qabay Sun Tzu fekrad ah in dalka la difaaco iyada oo dhaqaalaha lagu ilaalinayo heerkiisu, in ay u baahan tahay basaasiin iyo sirdoon joogto ah oo dhaqdhaqaaqa iyo firfircoonida cadaawaha si joogto ah u la socda.

Sirdoonnimaduna in ay tahay shaqo sharfan oo mudan. Sidoo kalena ay lagama maarmaan tahay in sirdoonkaas iyo hoggaamiyayaasha sarsare ay xidhiidh toos ah lahaadaan. Si sirdoonku uu u noqdo mid sugan oo dawladda gacanta ugu jira oo daacadnimadiisu aanay u xagal daacinna ay lamahuraan tahay in dhanka hantida iyo maaddiga loogu roonaado. Taasi waxa ay u sahlaysaa in iyaguna ay ku iimaan qabaan, inta ay si kale ku soo dhowaysan karayaana maamulkooda u soo gacangaliyaan, illeen cadka rag isku raacay waa hunguriye.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 120 Page

1 thought on “LOOLLAN XEELADAHA DAGAALKA PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *