Salaaddu maaha kaliya dhaqdhaqaaq jidheed ama culays maalinle ah oo lagaa rabo; waa neefta iyo cuntada uu qalbigu ku noolaado. Waa shan jeer oo aad maalinkii ka baxayso dhibka, cadaadiska, iyo walbahaarka adduunka, si aad u hor istaagto Ka kugu abuuray naxariista iyo xasilloonida. Hadii aad dareemayso daciifnimo iyo dhibaato xagga nolosha ah, ogow in meesha ay wax ka khaldan yihiin ay tahay xidhiidhkaaga iyo Alle. Buuggan yar wuxuu kuu noqon doonaa saaxiib ku hagaya tillaabo-tillaabo, laga bilaabo sida loo nadiifiyo jidhka ilaa aad ka ruxayso dambiyadaada marka aad sujuuddo. Gacanta i sii, wali ma daahin, inta aad neefsanayso fursad baad haysataa. Aan isla bilaawno safarka cusub ee noloshaada.