HAYAAN PDF

HORDHACA BUUGA

Hayaan, Safarkii Dheeraa ee Wiilka reer Miyiga wuxu falanqayn doonaa arrimo badan oo muhim ah, si gaar ahaan, buuggani wuxu baallal badan ama qoraal dheer siin doonaa taariikhdii iyo dhacdooyinkii siyaasadeed ee Soomaliya waayihii dambe sida:
1. Baraarrugii ugu horeeyey ee siyaasadeed ee Qoraaga mudadii lixdamaadkii iyo taariikh nololeedkiisii.
2. Taariikhdii Jabhadda Dimoqoraadiga Badbaadinta Soomaliya (SSDF), mucaaradkii siyaasadeed iyo ciidan ee abaabulaa ee ugu horeyey, oo ka soo horjestay Dawladdii Saraakiishii uu u sareeyey Maxamed Siyaad Barre ee hogaamiye u ahaa. SSDF waxay asaasantay ka dib Dagaalkii Ogaden 1977 ilaa 1978. Halgangii SSDF wuxu keenay in ay ka daba abuurmaan Dhaqdaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (SNM) iyo Golaha Midowga Soomaaliyeed (USC), oo iyadu ahayd koox ka go'day SSDF, markii burbur siyaasadeed kusii dhacay Soomaaliya, halganka hubaysan ee SSDF iyo fasaad dhaqan-dhaqaale gudaha Soomaaliya awgood.
3. Dadaaladii ku aadanaa middaynta uruurrada ka hor jeeda si loo fuliyo afgambi xoog ah oo lagu sameeyo Dawladdii keli taliye Siyaad Barre. Ujeedooyinka Mengistu Haile Mariam ka lahaa dhismaha ururro mucaarad Soomaaliyeed. Weli ma isbedeshay, laga soo bilaabo Menelik, danaha Ethiopia ka leedahay Soomaaliya? Intee bay gaarsiisantahay heer aragtiga iyo cabirka madaxda Soomaliyeed markay arrimuhu taaganyihiin danno qaran oo maguuraan ama joogta ah?
4. Wada-hadalladii ama Shirarkii Soomaaliyeed ee Dib uHeshisiinta Qaran, 1997 ilaa 2004 ee qoraagu la jaan-qaaday.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 253 Page
Nooca: PDF
Size: 5 MB

1 thought on “HAYAAN PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *