DOONTII XUBIGA PDF HORDHAC Jacaylku waa dareen Alle dajiyey, qalbigana ku beerey. Waa muuqaal aan indhuhu arkin balse qalbigu dareemo. Waa cudur aan daawo lahayn marka uu dhab yahay, balse dhadhankiisu yahay mid qadhaadh iyo macaan isku jira.Buuggan “Doontii Xubiga” wuxuu yahay safar jacayl dooni raadinaysa bad nabadeed oo aan duufaan lahayn. Waa sheeko aan ahayn hal qiso, balse ah dareenno badan, suugaan tabaneysa, iyo faham qoto dheer oo ku saabsan jacaylka – muxuu yahay, muxuu noqon karaa, maxaa burburiyo, maxaa dhiso, goormuu yimidaa, yaase wax jeclaado, goorma ayaase la helaa. Waa buug loogu tala galay qalbi jaceyl damqiyey, mid xasuus jacayl la ilmeeyay, iyo mid jacayl dhab ah raadinaaya. Waxaa lagu xardhay erayo ka macaan malabka, ka qurux badan dayaxa, kana soo jiidasho badan korontada birqabatada. Waa buug ku sahlaya ina wax badan ka fahanto jacaylka waxuu yahay. Buuggan oo dhameystiran:Waa: 73 PageLacagta: $1.5 BUY NOW|HADA IIBSO