CUDURADA KU DHACA XOOLAHA (FREE)

DAAWEYNTA CUDURADA KU DHACA XOOLAHA

Buuggan wuxuu ka hadlayaa Cudurada ku dhaca xoolaha soomaalidu ay dhaqato iyo sida loo daaweeyo.
Mid kamid ah Cudurada:

Beerfuur (Bacillary Haemoglobinuria)

Cudurkaan beerfuurka waa cudur deg deg wax u dila ee faafa ee ku dhaca lo’da iyo idaha kaaso keena in neefku beerka ka bararo.

Maxaa keena cudurkaan (Aetiology)

Cudurkaan beerfuurka waxaa keena bakteeeriya loo yaqaan (clostridium hemolyti-cum) waana bekteeriya (gram positive) ee difaaca sameysata marka ay dibada timaado.

Habka uu u fido cudurkaan (Transmission)

Cudurkaan waxaa keena gooryaanka gala beerka (liver fluke). Neefka oo cuna wax kayimid neefka cudurkaan qaba.

Astaamaha cudurkaan (Symptoms)

Cudurkaan astaamihiisa waxaa kamid ah:
a) Cuntada oo uu cuni waayo neefka.
b) Neefka oo barya naqsan waaya.
c) Neeefka oo sameeya neef gur badan.
d) Kaadidiisa oo noqota guduud madow kujiro.
e) Fuuq bax ku yimaada neefka iyo dhiig la’aan.
f) Heerkulka jirka neefka oo kaca.

Daawaynta cudurkaan(Treatment)

Cudurkaan waxaa lagu daawayn karaa ayadoo neefka lagu duro:
a) Oxytetracyclin
b) penicillin

Ka hortaga cudurkaan (Prevention)

a) in lasiiyo talaalka cudurkaan xoolaha sadexdii biloodba mar.
b) ama in lasiiyo tallaal lixdii biloodba mar.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 62 Page
Size: 1 MB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *