Shiicada in badan waala maqlaa, laakiin dad badani shiicada iyo waxey qabtaan iyo waxay rumaysanyihiin ma yaqaanaan. waxaa laga yaabbaa, dadka qaarkood in ay u qabaan, Shiicada inay tahay Afarta Mad-habood oo kale. marka waxa haboon in loo aqoon yeesho oo la ogaado Shiicada Waxey tahay. maantana Caalamka aad ayey ugu fiddaa,Meelo badan oo aanay ka jiri jirinna way ka jirtaa, Waxa ay isku dayayaana oo meel walba oo aan laga aqoonin iney galaan, Mad habkooda iyo Caqiidadooda kharibanna ku faafiyaan, waddamo badan oo waddamada islaamka ah oo aan shiico kajiri jirinna waa laga bilaabay hadda shiico, oo mad-habkii Shiicannimada ayaa laga bilaabay in lagu faafiyo, Xarumana loogu sameeyo. Soomaalida Shiico maka jiri jirin Waqtigii hore, hadda laakiin ifafaalhiisu wuu bilaabmay, waxana jira dad badan oo soomaali ah oo lagu raadeeyey mad-habkii Shiicanimada.