10 KA FURE EE GUUSHA (FREE)

FURAHA KOOWAAD

Dhaqaajiye (Motivation)

Ma igu waafaqsantahay haddii aynaan niyad u haynin shaqada in aynaan qaban karayn?
Inuun ma garanaysaa ruux shaqo fiican haystay, lacag fiicana qaadan jiray, hadana shaqadii iskaga tagay, maxaa yeelay jacayl iyo niyad ayuu u waayay. Marka aad niyad bir ah u hayso shaqada waxaad u helaysaa xamaasad iyo karti aad ku qabato. Taas lidkeeda haddii aanad niyad uhayn shaqada uma helaysid awood aad shaqada ku wado, natiijaduna waxay noqon doontaa inay shaqadu burburto.
Hadaba muxuu yahay dhaqaajiyuhu (motivation)?
Kalmada asalkeedu waa kalmad laatiini ah (Mattere), oo macnaheedu yahay dhaqaaq, qaamuuska Webster haddii aad ka baadhana wuxuu ku fasirayaa: waa shayga ruuxa ku qaada ama ku kiciya inuu wax qabto. Kalmada motivation waxaan arkaynaa inay ka kooban tahay laba kalmadood oo ta hore tahay motive+action taas oo ah waa shaqo ka dhalata dhaqaaq Hadaba maxaa Dhaqaajiyaha dhaliya? ii ogolow inaan kaaga qisoodo ama kaaga sheekeeyo wiil yar oo u tagay mid kamida raga ugu xikmada badan, si uu uga barto sirta guusha.

Wiilka yar: xikmad badanoow maxay tahay sirta guusha lagu gaadho?
Xikmad badane: sirta guushu waa doonis xoogan
Wiilkii yaraa: oo halkee ka timaadaa doonista adag ama maxaa dhaliya?
Xikmad badane: doonis huraysaa oo holcaysa sida dabka.
Wiilkii yaraa: oo sidee ayay inoogu dhalanaysaa doonistaa adagi?
Xikmad badne: wuxuu ka idan dalbay wiilkii yaraa daqiiqado yar. Wuxuuna soo qaaday weel aad u wayn oo biyo ka buuxaan, markaasuu wiilkii yaraa waydiiyay oo uu ku yidhi ma iga hubtaa inaad doonayso inaad ogaato waxa dhaliya doonista adag.
Wiilkii yaraa: haa.
Wuxuu xikmad badanihii ka dalbay wiilkii yaraa inuu weelka usoo dhawaado kadibna fiiriyo, wiillkii yaraa oo fiirinaya ayuu odaygii si lama filaana wiilkii yaraa intuu madaxa qabtay ugu muquuray biyihii, dhawr ilbidhiqsi ayuu sidaa ugu hayay, kadib wiilkii yaraa markuu neefqabatoobay (naqasku ku dhagay), ayuu si degdega wuxuu awood lahaa oo dhan isticmaalay, iskana furfuray, isaga oo cadhaysana ku yidhi eeyaahee waa maxay waxaad samaynaysaa?.
Odaygii ayaa isaga oo degan oo dhoolacadaynaya ku jawaabay: maxaad ka baratay tijaabadan?
Wiilkii yaraa ayaa ku jawaabay: waxba kama baran haba yaraatee. Odaygii ayaa intuu wiilkii yaraa fiiriyay ku yidhi: wax badan baad ka baratay, daqiiqadihii ugu horeeyay waxaad doontay inaad madaxaaga biyaha ka soo saarto, laakiin doonistaadu ma ahayn mid xoogan, mana aanad wada isticmaalin awoodaada, laakiin ugu danbayntii markaad halis gashay waxaad isticmaashay awoodaada oo dhan, si aad naftaada u badbaadiso, waanad ku guulaystay arintaas, maxaa yeelay cidina awood uma lahayn inay ku horjoogsato. Hadaba wiilyohow marka doonistaadu gaadho heerkaa waxaad gaadhi guul.
Waxaan qisadaan ka faaiidaysanaynaa in doonista adag ay tahay qaacidada ugu horeysa ee guusha lagu gaadhi karo Waa abuurka midheed ee dhulka guusha lagu beero. Sirta guushuna waa dhaqaajiye (motivation) ama inaad hesho wax ku dhaqaajiya.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 91 Page
Size: 18 MB

9 thoughts on “10 KA FURE EE GUUSHA (FREE)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *