YAA QAATAY BURCADKEYGII? PDF

HORDHACA BUUGA

Yaa Qaatay Burcadkaygii? waa sheeko ku saabsan isbaddal ka dhacay Xero luuq-luuq leh gudaheed waxaa jiray afar noole oo laysu madaddaalinayo laguna raadinayo "Burcad" – burcadka waxaa lagu matalayaa wixii aan rabno in aan haysanno nolosheenna haddii ay ahaan lahayd shaqo, xidhiidh, lacag, guri wayn, xorriyad, caafimaad, magac, ruux xasilan ama xataa waxqa badka sida orodka iyo ciyaaridda golf-ka.

Midkasta oo innaga mid ahi waxa uu leeyahay fikir ugaar ah oo ku saabsan waxa uu yahay burcadku, waan raadsanaa burcadka maxaa yeelay annagu waxa aan aaminsanahay burcadku inuu nagadhigayo kuwa faraxsan, haddii aan helno, had iyo jeer waxa aannu ku tiirsannahay burcadka haddii aannu wayno burcadka, ama nalaga qaato, Waxaa nala soo dersaysaya musiibo.

Xerada luuq-luuq sheekada ku jirta waxa ay u taagantahay meesha aad waqtiga ku qaadatid marka aad raadinayso waxa aad adigu rabtid. Waxa ay noqon kartaa ha'yadda aad u shaqaysid, bulshada aad ku dhex nooshahay ama xidhiidhka aad leedahay xagga noloshaada.

Waxa aan uga sheekeeyay sheekada burcadka ee aad imminka akhriyaysid si hadal ah adduunka oo dhan, ka dibna dadka intooda badan waxa aan ka maqlaa arrimo ku saabsan isbaddalka iyo saamaynta ay ku yeelatay naftooda.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 87 Page

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *