XISNUL MUSLIM AF-SOMALI (FREE)

Hordhac

Kani Waa Kitaab Gaaban, oon ka soo gaabiyey Kitaabkeygii ku magac baxay {addikru wadducaa wal-cilaaju birruqaa minal kitaabi wassunnati}. Waxaana kasoo gaabiyey kitaabkaan qeybtii ducooyinka, si uu u noqdo qafiif la qaadan karo safarada. Waxaan ku ekaadayna ducooyinka kaligood, axaadiistoodana waxaan ku kaaftoomay inaan u Saleeyo hal iyo laba kitaab qofkii doonaya aqoon kororsi xaga xadiiska iyo saxaabiga weriyeyna, ha u noqdo kitaabkeyga aan kor ku xusay. ilaahey waxaan ku weydiisanayaa magac yadiisa wanwanaagsan, iyo tilmaamihiisa sareeya, inuu ka yeelo {kitaabkan} mid loola jeedo wajigiisa wanaagsan, iyo inuu igu anfaco camalkan noloshayda iyo geeridaydaba, iyo inuu ku anfaco qofkastoo akhrista, ama daabaca amase sabab u noqda faafintiisa, allaha ka hufan xumaanta ayaana awood u leh inuu naga aqbalo arintaas. Naxariis iyo nabalgalyana ha ahaato nabigeena Muxammad S.C.W ehelkiisa, asxaabtiisa iyo qof-walboo ku raacay wanaag ilaa maalinta qiyaamada.
Qoraaga/Waxaa la qoray bishii safar ee sanadka hijriga 1409.

Kitaabkaan oo dhameystiran:
Waa: 236 Page
Size: 837 KB

1 thought on “XISNUL MUSLIM AF-SOMALI (FREE)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *