XIKTAYSIGA XIKMADDA PDF

HORDHAC

Buuggan waxaa lagu soo uruuriyay Kumanaan Xikmado oo Nolosha qeybaheeda kala duwan ka hadleysa sida: Dhiirigelin, Dagaal, Siyaasad, Jaceyl, Ganacsi, Waxbarasho i.w.m.
Hadii aan soo qaato 20 Xikmadood oo kamida:

1- Naftaada haddii aanad runta ku mashquulin, beenta ayay kugu mashquulin.
2. Ka bilow naftaada ka hor intaadan cid kale wax u sheegin.
3. Cid naftayda ka kakan lamaan dhaqmin weligay! Mar way i taageertaa, marna way iga soo hor jeesataa!
4- Dagaal ha gelin haddii aanad waxba ka helayn marka aad ku guuleysato.
5. Camal yar oo aad sameyso ayaa ka fiican intii aad camal weyn qorsheyn lahayd.
6. Nin sii kalluun kadib waxa aad quudisay isaga hal maalin, bar nin sida loo kalluumeysto kadib waxa aad quudisay noloshiisa oo dhan.
7- Marka uu qof ku dhaco god uu isagu gacantiisa ku qoday, waa waqti ku fiican in uu eego tayada shaqadiisa.
8- Qofka ku jeceli denbi in aad ku dhacdo ayuu kaa ilaaliyaa!
9- Waan ku jeclahay, ma aha keliya waxa aad tahay in aan kugu jeclahay, laakiin waxa aan noqdo anigu marka aan kula joogo.
10- Adigaa ku ducaystay roob, sidoo kale dhiiqaduna waa ku jirtaa heshiiska!
11- Haddii aad wada qosli kartaan, waa aad wada shaqayn kartaan.
12- Waxa jirta tuug aan cidina ciqaabin, waa kuwa kaa xada waqtigaaga!
13- Ha odhan, ‘waqti igu filan ma haysto’, waayo dhammaan dadkii dunidan wax ku soo kordhiyay maalintoodu waxa ay ahayd 24 saacadood ee kama ay badnayn!
14- Kama xishoonayo in aan qirto in aan jaahil ka ahay wixii aanan aqoon.
15. Waxbarashadu ma aha barashada xaqiiqooyinka, laakiin waa u tababbarka maskaxda sidii ay u fekeri lahayd.
16- Bilaa waxbarasho, dunidan meelna uma dhaqaaqi kartid.
17- Waxa aad maanta joogtaa meesha fekerkaagu ku keenay; berrina waxa aad tagi doonta meesha uu fekerkaagu ku geeyo.
18- Hal qalad ma samayn kartid labo jeer sababtoo ah marka labaad ee aad samayso, ma aha qalad, waa doorasho.
19- Kalluun iyo martiba saddex maalmood gudohood ayay ku uraan.
20- Xusuuso, faraxaddu kuma xirna qofka aad tahay ama waxa aad heysato, waxayse ku xirantahay waxa aad ku fekereyso.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 271 Page
Nooca: PDF
Size: 1 MB

1 thought on “XIKTAYSIGA XIKMADDA PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *