Qormadaan waxay ka hadlaysaa (Wax isbaridda iyo kaalinta ay ku leedahay kor u qaadida aqoonta guud), waxayna ku salaysan tahay baahida ay bulshadu u qabto si ay horumar aqooneed u gaarto, manhajka loo adeegsadayna waa manhajka wasfiga. Ugu horrayn Qormadaan waxay ka hadlaysaa qeexidda wax is baridda, oo aan kusoo qaadanay erayo kala duwan oo ay culimadu ku qeexeen, sidoo kale ahmiyadda ay u leedahay wax is bariddu ardayga, oo ay ugu muhiimsan tahay kobcinta aqoontiisa, iyo kordhinta kalsoonida uu ku qabo naftiisa, sidoo kale sababaha keenaya in wax la is baro oo ay ugu muhiimsan tahay tayo xumada xarumaha waxbarashada soomaaliyeed marka loo fiiriyo baahida bulshada. Qaybaha ku xiga waxay qoraagu uga hadashay waxyaabaha looga baahanyahay ardayga wax is baraya, oo ay kamid tahay akhris fudud, iyo fahan sare, sidoo kale xirfadaha wax isbaridda laga helayo oo ay kamid tahay gorfeyn cilmiyeysan, qiimayn waxtar leh, iyo qorsheyn tayeysan. Ugu dambayntii waxay qoraagu ka hadashay kaalinta ay ku leedahay wax isbariddu abuuridda fursadaha shaqo.
Daraasadaan waxaa kasoo baxay in wax isbariddu ay ahmiyad wayn u leedahay ardayga noloshiisa, gaar ahaan xiliga uu waxbarashada ku jiro. Qeexid: Wax isbariddu malahan qeexid kaliya, oo ay isku raaceen culimada iyo cilmi baarayaashu, laakin waxaa jira qeexitaano badan oo kala duwan ayadoo laga fiirinayo dhanka badashada goobaha waxbarasho ee tarbiyadda iyo kuwa nafsiga ah. Dhanka labaad ee laga fiirinayo ayaa ah kala duwanaanta aragtida iyo fikradaha cilmi baarayaasha, hadana kama baxayaan qeexitaannadaas oo dhan aragtida iyo sida la isku raacsanyahay ee wax isbaridda, waxaana ka soo qaadan doonnaa qayb ka mid ah qeexitaannadaas:
1- Casiis xanaa wuxuu ku qeexayaa inay tahay wax isbariddu: "Habraac loola jeedo in uu isku dayo ardaygu in uu ku kasbado aqoonta, fikradaha, mabaadi’da, dabeecadaha, qiyamka iyo xirfadaha, asagoo adeegsanaya ama ka faa’iidaysanaya barnaamijyada teknoolojiyadda, sidoo kale buugaagta elektorooniga ah, iyo agabka kala duwan ee wax lagu barto". 2- Wuxuu ku qeexayaa axmad mansuur: "waxbarashada loogu talo galay qof kasta ee la jaan qaadaysa waxyaabaha uu daneeyo, boobsiiskiisa shakhsiyadeed, tilmaamihiisa, si loogu talo galay oo manhaj nidaamsan leh". 3- Mr. Tough isaguna wuxuu ku qeexayaa: in ay tahay wax isbariddu "awood uu qofku bixinayo si iskiis ah, oo uu ku abuurayo aragtiyaha waxbarasho, iyo doorashadiisa ilo waxbarasho oo kala duwan si uu u barto xaqiiqooyinka qaarkood, macluumaadka iyo xirfadaha". 4- D.Rowntree wuxuu ku qeexayaa: asaguna "Hab ay wax isku barayaan ardaydu, ayagoo adeegsanaya qalab kasta ama ilo walba si ay u xaqiijiyaan yoolal cad oo aysan caawin toos ah ka helayn macalinka".
AHMIYADDA WAX IS BARIDDA
Waxbarashadu waa furaha aqoonta, wax isbaridduna waa furaha xirfadaha. qofku wuxuu marayaa noloshiisa heerar kala duwan oo uu u baahanyahay in uu leeyahay xirfado uu u iisho marka ay dantu ku kalifto marka kalena u adeegsado shaqadiisa, sidaa darteed waxaa qof walba la gudboon in uu yeesho xirfadda wax is baridda, goobaha wax barashadu fure ayey siiyaan ardayda ee ma siiyaan aqoon buuxda, wax is baridduna waxay bundhig u tahay aqoon tayo leh oo uu qofku helo. Wax is bariddu waxay leedahay faaiidooyin badan, qof kastana waxay u leedahay ahmiyad in uu wax is baro, si gaar ahna waxay ahmiyad iyo faaiido ugu leedahay ardayga, oo ardayga kuma filna waxa uu macalinka kaqaadanayo mana buuxin karto baahidiisa uu u qabo in uu ogaado waxyaabo badan oo kala duwan, waxaanna u qaybinaynaa dhawr qaybood: ahmiyada ay u leeyahay ardayda jaamacadda ka hooseeya, iyo ahmiyadda ay u leeyahay ardayda jaamacadaha dhigta, mid kastana gaarkeeda ayaan uga hadlaynaa.
-ahmiyadda ay u leeyahay wax isbardidu ardayda jaamacadda ka hooseeya: adayda jaamacada ka hooseeya wali waxay ku jiraan xaalad gacanku hayn ah oo waalidka iyo macalimiinta ayaa gacanta ku haya’ xiligaasna waa xiliga ay samays maso shaksiyada qofka waana xiliga ugu haboon ee uu qofku wax isbari karo, waalidka iyo macalimiintuna waxaa haboon in ay ku dhiiri gashaan, waxaa muhiim ah ayana hagida waalidka ay ardayga hagayaa una tilmaamayaan in ay tahay waxa uu soo qaatay fureloogu tala galay in uu ku furto furayaashaas meelaha loogu tala galay, sidoo kale waxaa muhiim u ah ardayga dhiiri galinta waalidka iyo maclimiinta.