WAREYSIGA SHAQADA PDF

HORDHAC

Buugaan magaciisu waa (Wareysiga shaqada) Waxaana ugu bixiyey magacaas, markii aan arkey dhalinyaro shaqa doon ah, oo iweydiinayo, habka looga bad baado wareysiga Shaqada , maadaamaa aniga aan bartay wax ku saabsan arimaha shaqada iyo shaqaalaha, kadib waxaan hindisay magaca buuggaan, Ugu danbeyn si ay u helaan dadka shaqa raadiska ama shaqa doonka ah macluumaad ku saabsan waqtiga wareysiga.
Aqriste: waxaan kuu rajeynaa in aad ku guuleysan doonto wareysiga shaqada, waa hadii Aad Aqrisata buuggaan, maxaa yeelay buuggaan oo aad u yar aana lagu soo koobi Karin arimaha ku saabsan wareysiga balse buuggaan waxaa ku jira micno aad u weyn , aqoon ku dheehan waayo aragnimo runtii. Waxaan aad u jeclaan lahaa qof walbo oo daneynayo buuggaan in uu ku aqriyo maskax degan, si uu u fahmo nuxurka buugga kusaabsan, Maadaamaa buggaan uu yahay buug ka hadlayo habka casriga wareysiga loo qaado.

WAA MAXAY WAREYSI?

Wareysigu waa wada sheekeysi dhaxmarta labo qof ama koox ,Tusaale: su’aal ayaa lagu weydiinaa waad ka jawaabi Hadaba, sidaas waayo wareysi hadaad maqasho, Sidoo kale, erayga wareysi wuxuu sheegaa qof ku dhaqmayo xeerka wareysiga oo midka lawareysanaayo, sidoo kale, midka wax wareysanaayo asagana waa in uu ku dhaqmaa xeerka mid wax wareyste, tusaale: qofka wax wareysanaayo su’aal buu weydiina midka la wareystaha, sidoo kale, midka la wareysanaayana jawaabo ayuu bixinaa, Hadaba Aqriste wareysigu sidiisaba wuxuu beegsadaa in xog la gud biyo kana imaado midka la wareysanaayo, ayna u gudubto midka wax wareysanaayo.

NOOCYADA WAREYSIGA?

1- Wareysi Wicitaan ah: inta aan lagu casuumin ka hor ayaa lagu wareysanaa si, loo helo xog ama wax adiga kugu saabsan, maxaa yeelay wicitaan kaas waxey suurta gelin in lagaa helo xog badan, lkn midka casuumaada ee wareysiga asaga waad u soo diyaar garowbi, ugu dambeyntii waxaa lagaa rabaa in aad ka jawaabto su’aal walbo oo lagu weydiiyo, marka dadka qaar isku mid ma’aha, dad waxaa u fiican wareysi casuumaad, dadna waxaa u fiican wareysi Wicitaan ah.
2- Wareysiga labaad waa mid ka ag dhaw kii hore balse waa dadbadan oo la wareysanayo, waliba waxaa wareysanaayo gudoomiyaha marka nooca wareysigaan waa mid caan ka ah dadweynaha.
3- Wareysi waji ka waji: kani waa kulan u dhexeeya midka la wareysanaayo iyo xubnaha shaqaalaha ka tirsan ama qofka soo doontay shaqada.

Nafsadaada bal kawaran?

Hadii lagu weydiiyo Akhbaar ku saabsan nafsadaada ha u bixin taariiq nolaleed kaada oo ku qoran C.Vgaada, balse waxaad sheegtaa hadal macno leh oona kooban, ugu badnaan hadalkaas waa in uu socdaa labo daqiiqo, ugu yaraana waa in uu socdaa hal daqiiqo, hagaag waxaad beegsan Wax faa’ido u leh shirkadda ama ha’yada aad shaqada ka doonaneysid.
Tusaale: Waxaad orani, aniga sideedaba waxaan ku fiicanahay wax soo saarka meesha aan ka shaqeynayo, taasina waa mid xaqiiqo ah, sidoo kale waxaa la igaga dambeyaa kobaca shirkada aan jooga, maxaa yeelay aniga waxaan ahay qof hal abuur leh waxna hindisa oona hormariya meesha uu jooga kana muuqda bulshada dhaxdeeda, Aduunyada aad arkeyso waxaa hormarkaas gaarsiiyey dad ani ila mid ah oo sida aan ugu han weynahay meesha aan jooga iney la mid noqoto dadyowga caalamka ama shirkadaha aduunka horumaray, arintaas waxaad ka ogaan doontaa marka la ii fasaxo in aan shaqeeyo. Hadaba aqriste, sidaas oo kale baad u sharrixi nafsadaada, hadii kale, gaariga waad ka dhici.

Maxaad la tahay Shaqo la'aan?

Waxaad ku jawaabi adigoo soo gaabinaayo warbixinta,aniga sideedaba waxaan inta badan ku mashquuliyey nafsadeyda waxbarasho tayo u leh dadka aan u shaqeyn doona,sidoo kale, waxaana si mutadhawic nimo ah in aan dadka ugu shaqeeyo ayaan doorbiday si, aan u kasbado aqoon badan oo aan haysanin, marka in aad gasho adiga oo xirfad badan ama qibrad badan u laheyn wax aad ku soo kordhini malaha shirkada ama ha’yada aad u shaqeyn doonta, sidoo kale shaqaduna waxaa ka jira tartan aad u xoog badan oo la is weydiin doono qofka khibradiisa inta ay la eg tahay, Tusaale: waxaa lagu dhihi karaa, maxaa heysataa oo shahaadooyin sareeya ah.
Jawaabtu: adigoon ka fiirinaynin wax yaalaha ay shuruudh uga dhigeen qofka ka shaqeynaya oo aadan u sheegaynin wax ka sareeya waxa ayagu soo ban dhigeen, balse waxaad ku jawaabi hadal wax tar u leh dadka ku wareysanaayo, waliba adigoo la kaashanaayo qibradaada waayo aragnimo ama caqligaada, maxaa yeelay cilmigaada wuxuu la dhan yahay inta caqligaada uu la dhan yahay, waa, tan ay Ku maah maaheena dadkeena soomaaliyeed ( Cilmiga baro Caqligaadana la kaasho).

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 80 Pages
Nooca: PDF
Size: 2 MB
Lacagta: $1.5

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *