WAAD RIYOOTEE RUNTU WAA MAXAY (FREE)

HORDHACA BUUGA

Waa maxay Riyadu?

Riyada waxaa lagu micneeyaa haddii la qeexayo fasiraado kala geddisan. Balse, Dhiganeheenan waxa aynu ku soo qaadanaynaa qeexitaan kooban, oo ku saabsan riyada iyo waxa ay tahay. Riyadu waa silsilado isku xidhiidhsan oo khayaali u badan, kana dhacda huradada dhexdeeda. Halka marmar ay tahay wax aan isku xidhiidhsanayn, run iyo waxyaabo badan oo qayrul macquul ahna laga heli karo.

Ka sheekaynta riyooyinka wakhtigan xaadirka ahi waa mawduuc aad u mihiim ah. Maxaa yeelay xaqii iyo baadilkii ayaa iskaga keen qaldamay. In ka mid ah dadka ayaa waxa ay ku talax tageen fasiraadda riyooyinka, oo halkii diinta islaamku inoo xadaysay dhaafiyey. Kana dhigay in riyadii waajibaad sharciya laga fahmayo.

Kuna saabsan cibaadadii, dhimashadii, noloshii, nebinimadii, arsaaqdii iyo qaybkiiba, oo aan illaahay mooyee cid kale garan kirin. In kale oo dadkaa ka soo horjeeda, ayaa fudaydsaday riyadii, oo ka soo qaaday in ay tahay wax been ah oo aan jirin. Qofka riyoodaana u bahan yahay in dhakhtar naf-siya loo geeyo si looga dabiibo cudurka haya.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 136 Page
Size: 24 MB

7 thoughts on “WAAD RIYOOTEE RUNTU WAA MAXAY (FREE)”

  1. Waxaan kaa faaiiday waxyaabo badan allaha ku sharfo wallkey ajar iyo xasanaaad aan lasoo kobo karin allaha ku siiyo hor mar wacan iyo guul AYaan kuu rajeenaaa insha allah🤲🥰

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Shopping Cart