WAAD AWOODAA (FREE)

WAAD AWOODAA

Hawl ayaad rabtaa inaad qabato waanay kugu adkaatey qabashadeedu, waxa ku dhiiri geliyana ma haysid, maxaad samayn lahayd? Noqo indheer garad, xalku waaba intaas. Cibaado ayaad rabtaa inaad samaysid sida soonka oo kale, dabadeedna waxa kugu batey saacadaha aad qatanaan doontid.... milicso qiyaamaha iyo dhibaatooyinkiisa iyo abaal marinta fiican ee aad ku heli kartid soonka maalintan, isbarbardhig ku samee dhibta maantada aad soomantahay iyo kunka sanno ee la joogi doono banka qiyaamaha, hadaad sidaas samayso waxa hubaal ah in uu kuu fududaan doono soonka maalintaasi, Indheer garad noqo.

Akhriska casharadaada ayaa kugu adkaadey milicso halka aad tagnaan doontid 4 sano ka dib haddii aad sii wado hawshan akhriska, Indheer garad noqo. Culays iyo rafaad ayaad kala kulantaa Jimicsi aad si joogto ah u wadid Indhaha ka lali hawsha oo ku raaxayso sida uu noqon doono caafimaadkaagu iyo muuqa jidhkaagu hal sano ka dib noqo qof indheer garad ah. gabadh ayaa si aad ah ula dhib mudatey Uur ay hadda sido, noqo indheer garad oo sawiro maalinta uu Ilmahaagu dhasho iyo xaflada afartan baxa losoo xaadiri doono, iyo maalinta uu ku gacan qaban doono Ilmahaasi adiga oo da' ah noqo indheer garad ah.

waxa aad tahay Hooyo hawsha caruurteeda iyo rafaadkooda mar walba la dhib mudata, noqo qof indheer garad ah oo ka fikri sida ay xaaladaadu noqon doonto maalinka ay afartoodu ay usoo kala dheerayn doonaan raali gelintaada iyo ka farxintaada. Dhib walba oo hada ku haysata, hawl kasta oo aad ku foogantahay imika marka aad dareento culayskeeda ka feker halka ay ku danbeyn doonto iyo midhaha aad ka heli doontid Insha Allah. Noqo qof Indheer garad ah.

Buuggaan oo dhameystiran:
Waa: 69 Page
Size: 1 MB

2 thoughts on “WAAD AWOODAA (FREE)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *