U HIILI NAFTAADA (FREE)

Talaabooyin lagu dhisi karo kalsoonida nafta

1. Xakamee oo xadid gacantana ku hay naftaada: ha noqon qof ku ad adag dadka kale, naftaada ahoow mid u naxariis badan oo jecel, qor oo tax waxyaabo aad ku wanaagsantahay oo aad leedahay ama se tayo shaqsiyadeed oo aad leedahay deetana aamin oo ku qanac.
2. Ha Noqon Mid Cabasho badan: Qof kastaaba waxa uu ku dhex jiraa dhibaatooyin ha yaraadaan ama se ha badnaadaan, qaar ayaa kaa dhibaato badan hadana kaa adkaysi badan oo kaa calaacal yar, inaad noqoto qof si taban wax u arka waxay kaa dhigaysaa mid ka takooran dadka kale ee ku xeeran taas oo fursad siinaysa inuu kugu dhaco isku buuq maadama aad ka go’day dadkii kugu xeerna. Noqo mid is dajiya oo is waydiiya su’aalo badan oo uu xal u raadin karo. jaanis sii naftaada ay ku nasato si ay maskaxdu kuu dagto.
3. Horumari Oo Dhis Niyadaada: Naftaada u ogoloow inay la tacaasho carqaladaha ku soo waajaha waqtina sii, akhri waxyaabo ku dhiiri galinaya oo dhisaya niyadaada.
4. U Mahad Naq Illaahay: Inaad Illaahay U mahad naqdo hawl kasta iyo mar kasta waxay kaa caawinaysaa Inay hawluhu kuu kala fududaadaan oo aad dareento daganaanshiyo maskaxeed Iyo Qalbiyeed taas oo qayb laxaad leh ka qaadanaysa Kalsoonida naftaada.
5. Ka dheeroow caajiska: Caajisku sida aynu wada ognahay waxa uu qofka ka lumiyaa waqti badan, waxaana uu hoos u dhigaa firfircoonida iyo hab fikirka qofka. In aad ka fogaato oo aad la tacaasho caajiskaagu waxay kuu sahlaysaa in aad kalsoonida naftaada kor u qaadi karto.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 65 Page
Size: 1 MB

1 thought on “U HIILI NAFTAADA (FREE)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *