TALOOYIN IYO TILMAAMO PDF HORDHAC Buuggan Talooyin iyo Tilmaamo wuxuu kaa caawinayaa sidii aad ku heli lahayd nolol iftiin iyo ilays leh, nolol horumar iyo hore-usocod leh, nolol sareedo iyo suubbanaan leh, nolol tanaad iyo tisqaad leh. Buuggani wuxuu ka kooban yahay mawduucyo dhowr ah oo dhamaantood si toos ah u tilmaamaya talaabooyinka lagu helo nolol qurux badan oo badhaadhe badan. Waa mawduucyo ku dhaqankoodu keenayo nolosha wanaagsan ee adduunka iyo raaxada aakhiro. Dhab ahaan, haddii lala yimaado qodobada lidka ku ah kuwaa uu ka waramayo buuggani waxa hubaal ah in noloshu mugdi galayso. Sidoo kale, waxa ka qayb ah mowduuc wacyi-gelin ah oo ka dhan ah balwadaha gaar ahaan Qaadka ee ragaadiyey dadka iyo dalkaba dhaqaale ahaan, dhaqan ahaan iyo horu-mar ahaan. Ugu danbeyn, mawduucyada uu ka hadlayo buuggan Talooyin iyo Tilmaamo, waxa tixraac u ah kitaabka quraanka kariimka ah iyo axaadiista nebiga (N.N.K.H). Waxa aan iyana meesha ka maqnayn qaybaha kala duwan ee suuggaanta afkeena hooyo ee soomaaliga. Buuggan oo dhameystiran:Waa: 55 PageLacagta: $1.5 BUY NOW|HADA IIBSO