SIRTA GUUSHA PDF

HORDHACA BUUGA

Waxaan booqday degelka (mareegta) Dr. John Maxwell uu ku leeyahay barta internetka, wixii ugu horreeyay ay indhahayga qabtayn wuxuu ahaa oraahdan “Guushu ma aha wax iska dhaca balse waa la bartaa.” Markaad akhrinayso waxaad ku dhex arki doontaa weyddiimooyiin maangal ah, kuwaas oo tilmaamaya muhiimmadda ay leedahay barashada guusha ka hor inta aan la isku hawlin u halgamiddeeda. Buuggu, wuxuu sahminayaa garashada guusha, wuxuu kaloo ku doodayaa in qofku uu barto guusha. Si kale u dhig, in qofku uu garasho u yeesho moorada ay dhacdo guusha, taas oo ka caawinaysa in uu xoogga saaro barta ay ka birqanayso. Buuggani, waxaan ugu talaggalay in uu qofka u noqdo bare tusiya sida loo baran karo guusha, marjac uu u laaban karo goor walba, in uu tilmaamo hab ugaarsiga guusha, in uu taabto noloshiisa iyo in uu wax ka ogaado sirta guusha.

Cutubka koowaad: Wuxuu ku saabsan yahay barashada guusha, aragtiyada kala duwan ee ku aaddan macnaha iyo qeexitaanka guusha. Halka cutubka labaad: uu la xiriiro xeerarka kala duwan ee guusha. Cutubka saddexaad: Wuxuu tilmaamayaa muhiimadda ay leedahay in uu qofka ka fikiro guusha iyo gaaristeeda. Halka cutubka afaraad: uu khuseeyo mid ka mida aaladaha ugu horreeya, ee qofka u horseedi kara in uu hiigsado guul sida qaaciddada guusha. Cutubka shanaad: Wuxuu ka digayaa mid ka mida waxyaabaha halista ku ah guusha sida cudurdaarka. Halka cutubka lixaad uu ka sheekeynayo waddada ugu macquulsan ee uu qofku u sii mari karo guusha. Cutubka toddobaad: Waa hidde sidaha buuggan! Wuxuu tusmaynayaa taariikh nololeedka toddoba shakhsi oo ka guul gaaray ganacsiga. Waxaa ka mida: Bill Gates, Zhou Qunfei, Aliko Dangote iwm. Ugu dambayn,

buuggan Sirta Guusha waxaa saldhig u ah labo ujeeddo:
1. In aad hesho macluumaad muhiim ah oo la xiriira guusha.
2. Dhaqangelinta macluumaadkaas adiga oo raacaya qaaciddada guusha.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 141 Page

1 thought on “SIRTA GUUSHA PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *