SIRDOONKA ISRAA’IIL PDF

HORDHACA BUUGA

Sannadihii u danbeeyay bulshada sirdoonka Israa'iil waxey soo dhex jibaaxday isbeddello waaweyn, kuwaas oo beegsanayay la jaanqaadka hay'adaha sirdoonka caalamiga ah, iyo la qabsiga dunidaan dhijitaalka ah, iyo weliba hawlgelinta tiknoolojiyadda si loo dar-dargeliyo waxqabadyada sirdoonka. Daraasaddani waxey kaga duwan tahay qayrkeed, waa mid soo bandhigaysa wax ka turjumaya isbeddelladaas, kuwaas oo ku dhacay qaab dhismeedka urur ahaaneed iyo isbeddellada ku dhacay hababka iyo waddooyinka ururinta xogaha kuwaas oo ku tiirsan hababka iyo aaladaha cusub ee ay horumariyeen hay'adaha sirdoonka Israa'iil. Yoolka ugu weyn ee daraasaddani waa daah ka feydidda xajmiga dadaalka sirdoon ee ay bixinayso Israa'iil, iyo isbeddelada aan kala joogsiga lahayn ee taabanaya qaab-dhismeedka urur ahaaneed ee bulshada sirdoonka Israa'iil, isla markaasna buuxinaya baahiyaha amni ee Israa'iil.

Sidoo kale, daraasaddani waxey beegsanaysaa kor u qaadidda heerka wacyi ee gudaha Falastiin, iyada oo loo marayo qeexidda tabaha ururinta macluumaadka ee ay adeegsadaan wakaaladaha sirdoonka ciidammada Israa'iil, iyo awooddooda farsamo ee horumarsan, iyada oo ujeeddadu tahay hagaajinta jabhadda gudaha ee bulshada Falastiin, iyo iska caabbinta horumar kasta oo ay doonayaan xaqiijintiisa hay'adahaasi, iyo sidoo kale xaddididda waxqabadyadooda iyo awoodahooda xog ururineed. Daraasaddani waxey ka kooban tahay saddex cutub, kan koowaad: wuxuu daarran yahay dulmar sooyaaleed oo ku saabsan hay'adaha sirdoon ee Israa'iil, marxaladihii ay soo mareen, ilaa laga gaarayo horumarka ay maanta ku naalloonayaan.

Cutubka labaad: ee daraasaddu, wuxuu ku saabsan yahay aragtida u dhowaanshaha waaqaca hay'adaha sirdoonka Israa'iil, horumarkooda, qaab-dhismeedkooda urur ahaaneed, shaqooyinkooda ugu muhiimsan, iyo awooddooda. Cutubkaani wuxuu sawirayaa ballaca iyo awoodda dadaalka sirdoon ee ay bixinayaan wakaaladaha sirdoonka Israa'iil, iyo hababkooda meelayneed ee ku aaddan hawlaha ururinta xogaha iyo qaybintooda, iyada oo lagu xaqiijinayo himilooyinka amni ee Israa'iil iyo baahiyaheeda, waxaanna diiradda ku saareynaa hay'adaha saddexda ah, kuwaas oo ururiya macluumaadka ugu badan, taas oo aan dhihi karno biyo dhaca daraasadduba waa iyaga.

Cutubka ugu danbeeyaana: wuxuu lafagurayaa siyaabaha ay u maraan hay'adaha amniga Israa'iil ururinta xogaha, cutubkaan waxa uu xoogga saarayaa labada hab ee ugu muhiimsan ee kala ah: cunsurka aadanaha ee ururinta xogaha qarsoon iyo hababka iyo farsamooyinka basaasnimada.
Gunaanadka daraasadduna waa sida talooyinka ugu muhiimsan ee cilmibaaraha laga helayo inta uu ku guda jiro daraasadda, kuwaas oo uu aaminsan yahay cilmi baaruhu in ay xaddidayso firfircoonida wakaaladaha sirdoonka Israa'iil iyo aaladahooda.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 130 Page

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *