SIRDOON PDF

HORDHACA BUUGA

Buuggu waxa uu ka koobanyahay 6 Qaybood oo ballaadhan oo la xidhiidha basaasnimada, gaar ahaan qisooyinka haweenkii, hablihii, qalanjooyinkii iyo gabdhihii basaasiinta ahaa. Basaasintaasi waxa ay iskugu jiraan hablo taariikhdii hore ku jira, kuwa taariikhda casriga ah ku jira, hablo carab ah oo basaasiin ah, hablo sirdoonka Yuhuudda u shaqayn jiray oo basaasiin isnacay ahaa, qalanjooyin fannaaniin ahaa oo basaasnimada dhinac kale ka waday, iyo hablo badan oo basaasnimada shaqooyin badan saqajaannimo ah ku dhex waday oo ugu soo dhex gabbaday sida tumasho, i.w.m.

Qofkan la yidhaahdo ‘Basaasku’, caalamku hal maalin kama maarmin; waana xirfad. Dhulka waxaa ka jira loollan iyo dagaallo u dhexeeya dadka. Maadaama dagaallo iyo loollan jiro waxaa lagama maarmaan ah in la helo basaasiin, oo halkaas ayay ka soo bidhaamaysaa doorka basaasiintu. Maskaxda basaasiintuna waa kuwo tababbaran, waxayna leeyihiin shakhsiyad jaadgooni ah oo suurtagelisa inay guuleystaan oo ay wax isku miisaamaan, iyo inay guuldarrooyinka u baddelaan guulo. Tan iyo intii ay taariikhdu jirtay ee ay soo ifbaxday, dumarku awood wayn ayay ku lahaayeen caalamka sirdoonka.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 259 Page
Nooca: PDF
Size: 2 MB

3 thoughts on “SIRDOON PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *