SIDA LOOGU GUULEYSTO WAX KASTA (FREE)

HORDHACA BUUGA

Buugani waa buug dhab ahaan kaa caawin doona inaad isbadal weyn ku samayso noloshaada aanad gaadho waxkasta oo aad rabto nolosha. Markaad akhrido dhamaan sharciyada aan halkan kuugu soo bandhigi doono.
Buugani wuxuu khuseeyaa qof kasta oo raba inuu guul gaadho nolosha, Haddii aad u jeelantahay guul akhri oo talaabo talaabo u raac dhamaan xogta aan buuggan kuugu sheegi doono.

QAAD MASUULIYADA NAFTAADA

Miyaad faraxsantahay? Ma ku qanacsantahay waxkasta oo aad haysato noloshaada? Miyaanad rajayn inaad haysato wax ka badan inta aad haysato? Dabcaan HAA waad rabtaa! Waxaan hubaa inay jiraan waxyaabo badan oo dhib kugu haya amase aad rajaynayso inaad hesho. Balse su'aashu waxay tahay yaa ka masuul ah waxkasta oo kugu dhacaya noloshaada? Jawaabtu waa mid fudud: Adiga. Adiga ayaa ah ka kadambeeya waxkasta oo ku dhacaya noloshaada. Niyadan iyo mood-kan xun eed ku sugantahay, noloshaada bulshada ee aadka u liidata, dhibaatada dhaqaale ee kugu dhaba dheeraatay eenad garanayn waxa sababay dhamaan waxyaabahani waxay ka dhasheen waxaad adigu aaminsan tahay, go'aanadaad qaadato iyo hadafyadaad dajisato.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 38 Page
Size: 700 KB

1 thought on “SIDA LOOGU GUULEYSTO WAX KASTA (FREE)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *