SIDA LA ISAGA JOOJIYO WALWALKA PDF

Sida la isaga joojiyo walwalka loona bilaabo nolol fiican

Buuggan waa buug caan ah oo la xuso oo ku saabsan sida loo xalliyo welwelka oo loogu noolaado nolol buuxda. Buuggu waxa uu ka kooban yahay tabo iyo xeelado ku saabsan ka adkaanta welwelka.

Xaqiiqooyinka walwalka

Dadka inta badan cisbitaalda ku jiro waa dad badan koodu la nool walwal, naxdin iyo qiirooyin taban. Walwalka waa loo dhintaa. Macnaha qofka marka uu walwalo waxa uu noqdaa qof aan xilsaarin noloshiisa. Waxa uu noqdaa qof aan ka taxadarin cuntadiisa, nadaafadiisa iyo caafimaadkiisa guud. waxyaabahaas ayaa qofka ku keena in uu u nuglaado cudurada qaar, taas oo ugu danbeyn ku sababi karta qof ku in uu dhinto.

Sida dhiibatada walwalka loo xaliyo

Waxaa jiro 3 hab oo kaa caawineysaa in aad xalisho dhibaatada walwal ee ku heysa.

Talaabadda 1aad: waa in aad ogaato xaqiiqada dhabta ah ee walwalkaaga ku saabsan. Haddii aadan cadeyn waxa aad ka walwaleyso, waa ay kugu adkaanee in aad xal u hesho.
Talaabada 2aad: waa in aad ogaato waxa sababay walwalkaaga. Waa maxay waxa kugu riixay in aad arintaas ka walwasho.
Talaabada 3aad: waa maxay xalka kuugu dhaw ee arintaan aad ku xalin karto.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 363 Page

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *