SHEEKOOYINKA GUUSHA (FREE)

HORDHAC

Hadii aad u jeelantahay inaad guul ka gaadho nolosha, waxa ugu fiican ee aad samayn kartaa waxay tahay inaad naftaada barto sheekooyinkan dhiirigalinta leh ee dadkii guulaha gaadhay caankana noqday. Dad badan oo raba inay guul ka gaadhaan noloshooda, shaqadooda, iyo ganacsigooduba way ku fashilmaan sababtoo ah magaranayaan intay qofka ku qaadato inuu guul gaadho iyo sida ay wadada guushu u eegtahay, waxay arkaan oo kaliya natiijada ugu dambaysa oo ah qofkii oo guul gaadhay iyagoon wax fikir ah ka haysan waxa uu qofkani soo maray noloshiisa. Haddii aad ogaato sheekooyinka dhiirigalinta leh ee dadkii guulaha gaadhay, waxaad hanan doontaa qaab fikirkoodii,waxaanad sidoo kale baran doontaa sida ay u eegtahay wadada guushu, fursadaha aad nolosha guul ku gaadhi kartaana waxay noqon doonaan qaar aad u heersareeya.

Sheekadii Guusha Jack Ma (Alibaba.com)

Jack Ma waa muwaadin u dhashay dalka china, kaasi oo ku guuldaraystay inuu ku biiro college-ka tiraba saddex jeer, ugu dambayntiina wuxuu si dirqiya ku dhaafay imtixaankii kadib markii uu sameeyay diyaarin iyo dadaal caadiga dhaafsan. Wuxuu isku dayay inuu shaqo ka helo maqaaxi cuntada lagu kariyo, laakiin badankoodii way diideen inay shaqada galiyaan. Kadib markii uu codsiyo badan oo shaqo ah meelo kala duwan u dirsaday ee loo diiday ayaa wuxuu go'aansaday inuu shaqo macalinimo raadsado sababtoo ah wuu ku guuldaraystay inuu shaqo taa dhaanta helo. Jack Ma wuxuu dhigi jiray luuqada English-ta isagoo qaadan jiray lacag ka yar 10 dollar bishiiba. Ka hor intii aanu bilaabin dhigista luuqadan, Jack Ma wuxuu aad u jeclaa inuu horumariyo habka uu ugu hadlayo luuqadan, waxaanu 45 daqiiqo u kaxaysan jiray baskiishiisa maalin walba Huteel u dhaw oo ay dadka dalxiisayaasha ahi ku soo dagi jireen si uu ula hadlo luuqadana English-tana iskaga dhiso.

Jack Ma kumuu qanacsanayn shaqadiisa, waxaanu go'aansaday inuu u guuro dalka maraykanka, si uu u helo nolol ka fiican tii uu ku noolaa. Wuxuu bartay computer-ka iyo internet-ka aad baanu u jeclaa. Markii dambana wuxuu aasaasay website-ka loo yaqaano ALIBABA.COM kaasi u saamaxay ganacsiyada iyo shirkadu ay ku kala ganacsadaan iskuna dhaafsadaan alaabta si online ah. Alibaba wuxuu noqday ninka ugu taajirsan dalka china, hantidiisana maanta waxaa lagu qiyaasaa 21 billion dollar. Waxaa loo aqoonsaday inuu kamid yahay 25 ganacsade ee ugu awooda badan qaarada eeshiya.

Waayihii iyo Noloshii uu maray Jack Ma

Jack Ma muu haysan wax lacag ah oo uu ku bilaabo ganacsi. Wuxuu ku shaqayn jiray mushahar aad u yar. Waxaanu si dirqiya ugu biiray oo uu ugu guulaystay inuu ku biiro machadka tababarka macalimiinta. Intaa waxa dheer in wadanka shiinuhu aanu waqtigaa ahayn meel ku fiican in lagu noolaado ganacsina laga bilaabo. Jack Ma dhaqaalihiisii iyo lacagtuu haystay sanadihiisii ugu horeeyay kamay badnayn intaad haysato maanta, haddii aanay intaad haysataa kaba badnaynba. Ninkani wuxuu aad u jeclaa oo kaliya inuu abuuro ganacsi guulaysta taasina waa sababta uu u raacay riyadiisii aanu u xaqiijiyay. Hadaba waa maxay cudur-daarada aad maalin walba naftaada u sheegtaa?
Lacag kugu filan mahaysatid?
Waxbarasho fiican ma haysatid?
Dadka kugu xeerani kuma dhiirigaliyaan kumana garab istaagaan?
Jack Ma muu haysan qof dhiirigaliya oo cadaadiya balse damacaa xoogan ee ku gubayay si uu guul u gaadho ayaa ka dhigay ninka uu maanta yahay.

Sheekada aynu ka baranay Jack Ma Story

1) Waa suurto gal: waxaa suurto gal ah inaad ka bilawdo ganacsigaaga meel aad u hooseeysa oo aad noqoto bilyaneer (maahaba milyaneeer) Jack Ma wuxuu tusaale fiican u yahay dadka ka soo bilaabay meel ka hooseysa zero iskuna daray liiska ugu sareeya ee taajiriinta adduunka.
2) Horaa loo samayn karaa: sharci ma'aha balse horaad ugu guulaysan kartaa. Jack Ma wuxuu gaadhay guul isagoo ku jira da'diisa 30 meeyaha.
3) Marka ay riyadaada iyo hamigaagu weyn yahay, waxyaabaha hoose kuma dhibi doonaan:
Jack Ma wuxuu ku noolaa nolol adag, muu ahayn qof ku nool nolol raaxo leh, muu lahayn gaadhi iyo baan ay lacagi u taalo toona balse wuxuu u cadeeyay aduunka in haynta iyo dhaqaaluhu aanay caqabad ku noqon doonin haddii riyadaada iyo hadafyadaadu ay waaweyn yihiin.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 41 Page
Size: 800 KB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *