SEESKA FALSAFADA PDF

HORDHAC

Waxa jirta aragti lagu magacaabo aragtida 75% (Theory of 75% Percent). Aragtidani waxa ay sheegtaa in qofku hadii uu arko mawduuc ama qof kale oo ku cusub ay maskaxdiisu samayso qiimayn kedibna qiimayntaas ay uga soo baxdo natiijo uu ku dhiso go'aankiisa iyo aaminaadiisa tusaale ahaan: waxa macquul ah in aad aragto oo aad la kulanto qof cusub oo aanad weligaa hore u arag isla goorta aad qofka is baratan ee aad is dhaafsataan magacyadiina durba maskaxdaadu qofkan kugu cusub wey qiimaynaysaa waxa macquula inaad qofkaa ka qaadato aragti wanagsan oo uu kuula muuqdo qof wanagsan ama aad ka qaadato aragti xun oo uu kuula muuqdo qof xun. Waxa aan uga socdaa aragtida ugu horeysa ee uu qofku wax ku cusub ka qaataa waa mid maskaxdiisu ku dhagto.

Waxa macquul ah inaad qof is barateen kedibna aad ka aamintay aragti qaldan balse markii aad mudo wada socoteen ee aad is dhex gasheen aad ku tidhi hebelow ama se heblaayooy qof xun ayaan markii hore kuu haystay balse uma dhawid. Hadalkani waxa uu muujinayaa qiimayntii ay maskaxdaadu samaysay markii ugu horeysay ee ay qofkan la kulantay. Aragtidani waa midaa uu qofku boqolkiiba 75% uu ku dhiso aaminaadiisa marka uu qof cusub la kulmo. mawduucani hadii uu yahay mid kugu cusub waxan ogsoonahay in aad aragti ka qaadan doonto ha samaato ama se xumaate aragtidaa aad ka qaadan doontana laba qodob ayaa saamayn ku yeelan doona oo ah maadada laftarkeeda iyo cida kuu sharaxaysa.

Mawduucan ku saabsan seeska iyo tiirarka falsafada kuma ihi aqoonyahan ku talax tagay umana ihi macalin balse waxa jirta baahi aad u weyn oo loo qabo in la fahmo waxa ay tahay falsafadu. Waxa jira fahan qaldan oo ay dadkeenu haystaan fahankaas oo ah mid aalaaba qalooca. Waxa aad moodaa falsafadu in ay bulshadeena agteeda ka tahay xaaraam iyada oo ay ugu wacantahay sawirada qalooca ee laga bixiyay iyo adeegsiga qaldan ee reer galbeedku maadadan u adeegsadeen. Balse waxad ogaata in ay jirto adeegsi quman iyo sawir saxan in ay diinteenu ka bixisay arrinkan ama se maadadan falsafada ah. Falsafadu waxa ay adeegsataa garaadka halka garaadkuna yahay halka arrin ee aynu kaga gedisanayahay abuurka kale oo dhan iyada oo adeegsiga garaadka iyo su'aal is weydiintana uu Rabigeen ina farayo isaga oo inbadan kitaabkiisa ku leh "miyaydaan fakarayn" hal marna ma dhacdo in kitaabka qur'aanka ah laga soo helo kalmada ama se weedha garaad oo magac ah laakiin taas badalkeeda waxa la soo helayaa iyada oo ah fal ama se ficil ah oo muujinaysa garaadkii oo qabsanaya shaqadiisii taasi oo ah fikir iyo wax is weydiin ah.

Buug yarahan lamagaca baxay “SEESKA FALSAFADA.” waa dhigane kooban oo xanbaarsan xogaha aasaaska u ah maadada falsafada taasi oo ah maado ku dhisan garaadka aadamaha. Buuggani waxa uu ka warbixinayaa arrimaha seeska u ah falsafada. Waxa jira buugaag badan oo ka hadlaysa aasaaska maadadan falsafada balse nasiib daro aan ku qornayn afkeena. taasi oo keeni karta in ay akhristayaal badani ka caajisan in ay ku akhriyaan afafkaa qalaad ee ay ku qoran yihiin. Aniguna ka shaqsi ahaan waxa aan dedaal ku bixiyay sidii aan iskugu dayi lahaa in lahelo dhigane kooban oo ku qoran afkii hooyo lehna sharaxaado la wada fahmi karo si ay dhalinyarada maantu ama se kuwa jiilasha danbe ahi u helaan tixraacyo iyo maraajic ay ku noqdaan marka ay mawduucan falsafada ah timaado iyada oo marjacaasi ugu qoran yahay afkoodii Hooyo. Falsafada oo ah maado marka la soo hadal qaado dad badani ka didaan ayuu Buuggu xaqiiqadeeda daaha ka rogayaa.

Maxay tahay Falsafadu?

Marka uu qofku arko wax cusub waxa uu iska weydiiyaa su'aalo badan si uu xog badan uga helo una fahmo maadaama oo waxaasi ogaalkiisa ku cusubyahay. Marka aad manta maqasho wax cusub weydiinta ugu horeysa ee maankaaga kusoo dhacaysaa waa mida odhanaysa: waa maxay waxaasi?
Waxaan filayaa oo uu maankaygu ii sheegayaa qofka uu mawduucani ku cusub yahay ee aan hore u maqlin ama se maqlay balse aan xog badan ka haynin mawduuca Buuggan in su'aasha ugu horreysa ee uu is weydiinayaa tahay waa maxay falsafadu?

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 90 Pages
Nooca: PDF
Size: 600 KB
Lacagta: $1.5

1 thought on “SEESKA FALSAFADA PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *