SAXARLA SHEEKO PDF

SAXARLA (SHEEKO) PDF

Buuggaan la magac baxay Saxarla wuxuu ka kooban yahay 466 bogg. Saxarla waa buug sheekadiisa aanad marna ka xiiso go’aynin. Waa buug si cilmiyaysan oo far shaxanimo dheeri ah ka muuqato mu’alifka qisada sameeyey isugu duba riday. Haddaad u kacdo aqriska buugga Saxarla si fudud u dhigi kari maysid, illaa dhammaadkana ka dhergi maysid. Sheekada uu buuggu gudbinayaa waa malo awaal, ama sameys, sida uu qoraagga buuggu inoo sheegay, balse waxaad garan kartaa inay tahay sheeko xaqiiqo ah oo wakhti walba ka dhex dhacda bulshadeena Soomaaliyeed.

Qibrada qoraagga uu leeyahay ayaad ka dareemi kartaa sida uu iskugu daba kabaayo sheekada buugga. Sida quruxda badan uu sheekada ku bilaabaayo ayaa ah, “Iyada oo daalan, gaajo kax la ah, afkiina jiilay ayaa gaarigii Sabaaxa ahaa ee ay la socotay Ceel-gaab soo joogsaday. Waxa ay gashanayd Kurdad yar oo korkeeda ku idlaatay oo dhinac kasta ka daloosha. Kabo ma ay gashanayn, waxaase cagaha ugu duubnaa maro calal ah oo ay jeexjeexday si ay dhagaxa iyo qodaxda isaga illaaiso. Inkasta oo cagaha maro ugu duubnayd, haddana waxa marada korkeeda qariyey dhiig kaas oo ka markhaati kacayey cagaagga iyo darxumada ay soo martay intii ay cidla ciirsilada keligeed carareysay.”

Dhinac walbo marka aad ka fiiriso qoraalka buugga Saxarla waa mid ku xiiso gelinaayo oo aan dhigi kari waayey, islamarkaana taabanaya dareenkaaga oo marna kaa ilmaysiinaya darxumada ay ku noolyihiin caruurta la nool eedada aabaha uu qabo iyo sidoo kale darxumada ay ku nool yihiin caruurta derbi-jiifta Soomaaliya. Buuuggaan wuxuu daboolka ka rogayaa dhibaatada hagardaamo ee ay mutaan gabdhaha iyagoo yar yar ku waaya hooyooyinkooda ee aan awoodin inay caqligooda iyo cududooda ku maareeyaan dhibka soo wajahadey. Waa buugg sheekadiisa xanuun badan ay xambaarsan tahay.

Gabadha yar ee jaldiga buugga ku sawiran waa Saxarla, waana gabadha sheekada inteeda badan ku socoto, saxarla miyi ayay ku dhalatay, waa gabadh iyadoo yar hooyadeed dhimatay! Aabbeheedna islaan kale ayuu guursaday oo iyada u noqonaysa eedo. Saxarla markii ay kortay xoolaha ayaa dhankeeda loo diray, madaama oo ay yihiin dad reer miyi ah. Waxay la kulantay gumaysi iyo ciriiri ay ku haysay eedadeed, waxayna tabaysay koolkoolintii iyo barbaarintii Hooyonimo.

Sheekada Saxarla ee buugan ku qoran waxaad ugu tagi doontaa qiso inta aad aqrinayso mar kaa ilmaysiindoonta, marna dareenkaaga ku beeraysa su,aalo jawaabahoodu maskaxdaada in badan ku soo laab laabaan doonaan. Sheekada Saxarla waxa ay daaha ka qaadaysaa nolasha caruurta rajanimada ku korta iyo kuwa darbi jiifka ah. Waa sheeko xanbaarsan waayo aragnimo dareen salka ku haysa iyo qiso cajiib ah oo dhab ahaantii dareen kugu reebi doona.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 466 Page

1 thought on “SAXARLA SHEEKO PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *