SALAAD BAA IDHAAFTAY PDF

SALAAD BAA IDHAAFTAY!

Waagaynu dhallaanka ahayn, waxaa dhaqan ahayd in ay dadka waaweyni inna faraan salaadaha. Amarkooga ayaynu duuduub ku qaadanjirnay, masaajidkana waa aynu tegi jirnay si aynu u soo tukanno. Waxa aynu ogaan jirnay in ay culus tahay salaaddu, farahana waa aynu ka qaadijirnay. Waxa aynu maqli jirnay wadaad ka hadlaya mudnaanta salaadda iyo balaayada ku habsanaysa qofka ka taga. Masaajidka ayaynu aadi jirnay si aynu u soo salaadno, waaba salaaddii oo haddana culus, kadibna ma aynaan tukan jirin. Waxa aynu ismoodsiin jirnay qofka inna faraya salaaddu in uu innaga dareen duwan yahay. Waxa aynu iska dhaadhicin jirnay qofka dhawra salaaduhu in uu ku hubaysan yahay hibo ilaahiya oo isaga u gaar ah. Muddo dheer ayaynu sugaynay hibadan ilaahiga ah, ilaa uu maalinba maalin innoo dhiibay innaga oo aan tukan; sababtuna waxa ay tahay weli ma aynaan maarayn asalka mushkiladda jirta oo ah, salaaddu maxaa ay ugu muuqataa mid culus? Maxay dadka qaarkood u ilaaliyaan salaadda, kuwo kalena uga tagaan? Waa mawduuca buuggani xambaarsanyahay!.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 162 Page

3 thoughts on “SALAAD BAA IDHAAFTAY PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *