SAAXIIBO KASBO PDF

HORDHAC

Qoraaga buuggan ‘Saaxiibo Kasbo’ waxa uu ka soo turjumay buuggan: ‘How to win friends and influence people’ ee uu qoray Dale Carnegie. Buuggan waxa uu kamid ahaa buuggaagtii loogu iibsiga badnaa ee ku saabsan horumarinta shakhsiga ee ebid la daawacay. Waxaa la iibiyey in kabadan 30 Milyan oo nuqul. Waxa uu ka mid yahay buuggaagtii aan akhriyey kan iigu saameynta badnaa. Waana buug kaaga sheekeynaya sidoo kalena ku baraya tabaha aad adeegsan karto marka aad dadka la macaamilayso, Waxa uu buugu ka kooban yahay lix cutub iyo siddeed xeer oo aasaasi ah.

Waxaa jira in aadmigu bulsho yahay ama aanu kaligii noolaan karayn, marka waxaa uu ku qasban-yahay in uu dad kale la noolaado. Nolosha qofku waa saddex qaybood: mid kaligii baa iska leh oo waa inta uu hurdo, ina kale waxaa la leh dadka uu la dhaqmaayo sida qoyskiisa, qaraabadiisa, saaxiibadiisa, dadka ay wada shaqeeyaan iyo kuwa kale ee macaamiilo dhex marayso. Marka buuggaani waxaa uu kugu caawinayaa sidaad uga dhigan lahayd xidhiidhka dadka aad la dhaqmaysid mid wanaagsan oo is-afgarad, is-kaashi iyo isku-kalsooni ku dhisan. Waxaa jira ficilo qofku marka uu ku dhaqmo dadku ku jeclaado kuna ixtiraamo iyo ficilo qofka magaciisa marka lamaqlo ama muuqiisaba la arko horseeda in la waji dadbo, marka buuggaani wuxuu si cad kuugu qeyaxayaa oo ku barayaa sidaad u kala sooci lahayd falalka dadka kaa didinaya iyo kuwa dadka kuu soo dhawaynaya.
Ugu dambeyntii, haddaad akhrisay buuggan waan kuugu hambalyeen, balse haddii aadan akhrin, waxaan talo kugu siinayaa in aad akhriso.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 237 Pages
Nooca: PDF
Size: 42 MB
Lacagta: $1.5

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *