RIBADA (FREE)

HORDHACA BUUGA

Micnaha ribada

Ribada macnaheedu luuqad ahaan waa siyaado (dulsaar). koritaanka ama kor ahaanta ama sareynta. Ribadu waa ziyaado wax lagu kala ziyaadsado marka wax lakala amaahdo, iibsado, ama lakala badalanayo. Sharci ahaana waa ziyaado (dulsaar) waxyaabo gaar ah, sida amaahda iyo laba shey laysku badalanayo oo la kala badiyo iyadoo in la kala badiyo aanay ahayn. Sidoo kale waa siyaadinta labo shey oo la isku bedelanaayo midkood asagoon siyaadadaasi wax bedel ah uusan jirin. Ribadu waxay kamid tahay waxyaabaha ilaahey (SW) uu ka xaaraamtinimeyey adoomadiisa. wuxuu allaah yiri "Alle wuxuu inii xalaaleeyay beeca , wuxuu idinka xaaraameeyey ribada qofkii waanada rabbi u timid kana joogsoodey wixii markaas tagey amarka alle u sugnaatay qofkii ku laabta kuwaas asxaabta naarta noqonayaan waana ku waarayaan).
wuxuu kaloo Allaah yiri "Kuwa Allaah iyo Nabi Muxammed N.N.K.H rumeeyayow Allah ka cabsada kana taga wixii Ribada ka haray hadii aad tihiin Mu'miniin). (Hadii aad ka tegitaankaas sameyn weysaan u diyaar garooba la dagaalan Allah xagiisa iyo Rasuulkiisa xagiisa, hadiise aad toobad keentaan waxaad leedihiin raasamaalka xoolihiina adinka oo aan waxba dulmineynin adinkana la idin dulmineynin).

Nabigeena N.N.K.H wuxuu yiri : (Lacnad ha ku dhacdo midka Ribada cunaayo, kan dadka siiya, kii goobjooga ahaa iyo kii wax qorayey).

TAARIIKHDA RIBADA

Halganka Nooluhu ugu jiro inuu kaga xuroobo ribadu wuxuu la cimri yahay Ribada lafteeda Cimriga Ribadana inkastoo la hayo raadad qadiim ah hadana lama garanayo waqtigii ay soo bilaabatay cidii bilawday iyo meeshii ay ka bilaabatay.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 24 Page
Size: 1 MB

2 thoughts on “RIBADA (FREE)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *