RAADKII RIYADEYDA PDF

RAADKA RIYADEYDI

Buuggan (Raadka Riyadaydi) waa ‘xusuustebyo’ (memoir) uu qoraagu kaga warramayo waayo ka mid ah noloshiisa haddana waxa uu u qoray heer akadeemig ah asaga oo tobannaan buug soo xiganaya. Waa buug caqiibo u leh facyaal badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ka baran doona habka quruxda badan ee afkeenna loogu qori karo sooyaal nololeed qofeed ayada oo aan laga baxaynin xayndaabka akadeemiyada iyo xeerarkiisa caalamiga ah.

HORDHACA BUUGA

Buuggaani waa natiijada xusuusihii xanuunka badnaa ee habeenno badan jiif iyo joogba ii diiday. Hase yeeshee, inta aanan werin xusuusaha baladii iyo baaskii dagaallada sokeeye dalkayga badeen, gaar ahaan caasimadda Muqdisho, waxa aan buugga qaybihiisa hore ku tebin doonaa xusuusaha noloshii miyiga ee aan ku soo barbaaray, aniga oo marka hore faallayn doonaa habnololeedka dhaqan-dhaqaale ee Soomaalida miyiga, gaar ahaan tii aan aqaannay ee Mudug. Waxa aan tooshka ku ifin doonaa dhimaallada ku jira habnololeedka abkasoogaarka ee xoolaraacatada Soomaalida aniga oo ku doodi doona in habkaasi yahay mid dhagaxoobay oo aan wax tadawur ah samayn muddo dheer, dhagaxoobiddaasi na ay sababtay dib u dhac dhaqaale iyo mid nololeed, iyo musiibooyin soo noqnoqday sida abaar, baahi iyo horumar la’aanno kale oo baahsan. Intaas dabadeed, waxa aan xusuusaha dib ugu celin doonaa waayahaygi noloshii miyiga laga bilaabo qoyskayaga oo dagaallo qabiileed ka qaxaya, aniga oo maqal raace ah, aniga oo bakadaha Mudug ido ku jira, aniga oo dugsiley noqday ka dib na xerow uga sii dallacay dabadeedna inta noloshii miyiga qawaday Muqdisho u fakaday.

Dabadeedna, xusuustebyada noloshii Muqdisho ka dib waxa aan dhiganahan ku soo afmeeri doonaa aniga oo Kenya qaxooti ku ah oo dib u jelleecaya dadkaygi iyo dalkaygi aan ka soo dalaabay. Ugu dambayn, waxa aan jecelahay in aan xuso in dhiganahaani uusan ahayn taariikh nololeedkayga balse uu yahay xusuustebyo (memoir) aan ku tebinayo qaar ka mid ah xusuusaha noloshayda ee waqti kooban (1991 ilaa 2005).

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 257 Page

1 thought on “RAADKII RIYADEYDA PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *