Waxaan ku Mahadin Eebaheenna Sarreeye ee ii suuro galiyey inaan ka Qayb qaato Qoridda Macnaha Quraanka Sharafta leh. Sida dhabta ahna Camalkani ma fududa, hasayeeshee kaalmaha Eebe iyo Awooddiisa yey arrimuhu ku Jilcaan, saas darteed yaan u Gudogalay Arrintan.
Sababaha igu Xambaaray inaan Qorana waxaa ka mida:
1. Inuu ii noqdo Camalkani kayd Eebe Agtiisa, Maalintay Naf kasta heli waxay Camal fashay oo khayra oo Muuqda. 2. Inaan ka qayb qaato u Adeegidda Kitaabka Eebe ee Quraanka Kariimka ah, iyo u caddaynta Macnihiisa Dadka garan Luuqada Soomaaliga ah, ee ay ku adagtahay Luuqada Carabiga ah illeen waxay u Dhawdahay in Eebe ku Anfacee. 3. Wax badan oo Luuqadaha ka mida waxay ka Qayb Qaateen Caalamka Islaamka Arrintan si faa'idadu u badato, Laakiin waxay ka Muuqataa Baahi iyo Banaani xagga Luuqada Soomaaliga ah. 4. Waxaa Dhacday in lagu Turjumay Kutubo badan oon Islaam ahayn Luuqada Soomaaliga ah, Luguna qaybiyo Muslimiinta, gaar ahaan Qoxootiga, markaas waxaa lagama maarmaan noqotay in wax laga qabto Arrintaas.
I’m very glad to share my comment with you you did MARVELOUS amazing job success here and after
Mnsha allah sakalahu khayre