QORSHEE NOLOSHAADA PDF

YAA LOOGU TALA GALAY BUUGGAN?

Ma tahay qof jecel nolosha inuu guul fiican ka gaaro, haddana garan la' halkii uu ka billaabi lahaa?
Arrimo badan oo aad jeceshahay inta aad billoowday maka caajistay maalmo kadib?
Ma tahay qof shaqo fiican ama ganacsi fiican heysta, haddana aan dareeemeynin farxaddii guusha?
Ma jeclaan lahayd inaad hesho hal fikir oo haddaad ku dhaqaaqdo dhaqan-galintiisa, kuu horseedi kara nolosha qaabka aad jeceshahay in aad u noolaato?
Ma jecleyd in aad noloshaada qorsheyso, mana dareemeysay in aad la'dahay jiheyn iyo habraac aad ka tusaale qaadato?
Hadaba buuggan waa buuggaagii. Waan hubaa inaad ka heli doontid warcelinta weydiimadaas iyo wax badan oo noloshaada kaa anfici doona. Buuggaan wuxuu anfacayaa qofka kasta oo hammi leh, da'duu doono ha jiro. Si gaar ah wuxuu u sii anfacayaa dhallinyarada hanka leh ee raadinaya jiheynta. Hammigaaga habraac u sameyso adigoo isticmaalaya buuggan.

Waxaa jirta xikmad oraneysa: Haddii aad ku fashilanto in aad wax qorsheysato, waxaad qorsheysay in aad fashilanto. Taas oo looga jeedo qofka haddii uusan qorshe yeelan in uu sidaas ku fashilan yahay. Qorshe la'aanta ayaa qeyb ka ah fashilka nolosha. Qofba qofkuu ka qorshe fiican yahay ayuu ka hormar badan yahay. Qorsheynta waxaa lagu qeexaa go'aaminta wixii la qaban lahaa iyo sidii loo qaban lahaa. Waxaa kale oo lagu sheegaa ka fakarka hannaanka aad u mari lahayd hadafka aad hiigsanayso. Waxay kaa caawineysaa in aad sii sawirato guusha aad jeceshehay in aad gaarto. Nolosha qofka waxaa lagu soo koobaa waqtiisa. Waqtigaaga oo la isku geeyay ayaa sameynaya noloshaada oo dhan. Haddaad waqtigaaga ka faaideysato macaneheedu waxay tahay noloshaada waad ka faa'ideysatay.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 126 Pages
Nooca: PDF
Size: 9 MB
Lacagta: $2

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *