Buuggan waa mid ka hadlaya arrimo gaar ah waxa uu ka hadlayaa mucaamalooyinka gaarka ah ama qarsoon ee dhex maraya lamaanaha laga bilaabo habeenka aqal galkooda iyo wixii ka danbeeya. Waxaa jira kutubo badan oo laga qoray baabkan guurka, waxaanad arkaysaa culima iyo dakaatiro fara badan oo wax ka qoray guurka iyo faa’iidooyinkiisa, taasina waxa ay ina tusaysaa muhimada ballaadhan ee ku jirta guurka waayo waa halka laga bilaabayo dhismaha ama aas-aaska reerka, waxa kale oo ay aad uga hadlaan casharada sirta ah ee u qarsoon lamaanaha ee ah jimaaca (galmada ) iyo waxyaabaha ka horreeya.