QADDARTA ALLE PDF

HORDHACA BUUGA

Garsoorka iyo Go’aaminta (Qallaa iyo Qaddar) haddii si wada jir ah loo macneeyo labaduba waxay ka dhigan yihiin goaamin arrin oo ficil ama dhacdo ah. Markii si gooni gooni ah loo kala qaadana, Go’aamin (Qaddar) waxaa loola jeedaa amar-horay u goaamin oo ah xukmin ficil ama dhacdo kahor intaysan dhicinba.

Garsoorna (Qallaa) waxaa loola jeedaa xukmin fal ama dhacdo ka dib marka ay dhacdo. Marka, haddii ficilladeennu horay loo go'aamiyey, meeye doorashada xorta ah ee nala siiyey? Miyeeysan aadmigu u sugnaanin doorasho xora? Waxaan anigaan kula hadlaya ka mid ahaa dadyowga aanan mawduuca sifiican u fahmin,

hase ahaatee markii aan buuggaan akhriyay ayaan jawaabo u helay dhammaan su'aalihii uu maankaygu isoo hordhigayay oo ku saabsanaa qaddarta Alle iyo doorashada xorta. Markii aan garaystay in aan kaga baxay wareerkii iyo fahan waagii qaddarta iga haystay, ayaan go'aansaday in aan turjumo si dad badan oo af Soomaaliga wax ku akhriya uga faaiidaan.

Waxaa Alle mahaddii ah in uu hirgalay qorshahaas oo Ilaahay iigu guuleeyay in aan dhammeeyo soona saaro buuggan. Ugu dambayn, waxa aan rajaynayaa in aad dhiganahaan kaga bogan doonto dhammaan waxa ku saabsan qaddarta. Si gaar ah xiriirka ka dhexeeya qaddarta iyo doorashada xorta ee Rabbi aadmiga ku manaystay sida aan anigu qudheyduba kolkii hore kaga bogtay,

adiguse waxa aad iiga nasiib badan tahay in aad heshay asaga oo ku qoran afkaaga Hooyo oo aan malaynayo in uu xiiso gaara kuu lee yahay. Waxa aan ku rajo weynahay in uu wax badan ku kordhin doono keydka maskaxdaada, oo aad kaga bixi doonto mugdigii kaaga jidhay mowduuca Qaddarta oo uu buugga si qoto dheer oo faahfaahsan uga hadlayo oo u kala dhigdhigayo.

Cilmiga iyo wanaagga buugga Eebbe haku waafajiyo, si nabdoon oo dhib yarna ku dhammeyso Eebbe idamkii.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 143 Page

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *