NUUN PDF

BUUGA Nuun (Qalin iyo QoraalKII)

Waa buug waqti, maskax igo dadaal badanba uu geliyay, sannaddo badanna ururintiisu socotay. Waa Nuun oo qalinka hal-abuurkiisa iyo wanaajintiisa iyo kor u qaadista shaqsiyadda qoraannimada iyo aqoonta afka dhigaalkiisa la xiriirtaba lagu dhiteeyay.
In badan oo buuggan ka mid ahi waxay ku saabsan tahay anshaxa. Qoraalka wanaagsan kuma koobna sixitaanka higgaadda, toosinta naxwaha, iyo ereyo qurux leh oo la adeegsado. Anshaxa wanaagsani sida uu u qurxiyo qofka labbisan, ayaa uu qoraalkana u bilaa, haddii laga tagana, uu qoraalkii u foolxumaadaa. Murti badan oo Soomaaliyeed ayaa aan buuggan ku soo ururiyay si ay jidka ugu iftiimiso qoraaga.

KAALINTA QORAALKA

Markii Alle abuuray Aadam (C.S) waxa uu siiyay aqoon, taas oo ahayd magacyadii wixii jiray oo idil. Aqoontii la siiyay si aysan isaga ugu koobnaannin ee ay uga gudubto, waxaa la baray sidii uu u gudbin lahaa (bayaan). Alle waxa uu inna baray hadalka si aynu dareenkeenna iyo aqoonteenna isugu gudbinno. Waxa uu innoo raaciyay awood aynu hadalkaas ku kaydinno, kuna gaadhsiinno degaanno iyo xilliyo jidhkeennu uusan haleeliddooda awoodin. Waa taas awoodda qoraalku leeyahay. Haddii hore loo yidhi, “dhegi meel dheer bay ku dhacdaa, ilina meel dhow”, qoraalku waa kayd hayn kara wax aan dheguhu haleelin.

Ibnu Cabdirabbih markii uu hadalka iyo qoraalka ka hadlayay waxa uu leeyahay: aadanuhu waxa uu dareenkiisa iyo aqoontiisa isugu gudbiyaa siyaabo kala duwan oo ay ugu horreeyaan carrabka iyo qalinku. Labaduba waxa ay ka tarjumaan dareenka qalbiga ku jira, oo carrabku waa agabka aynu xayawaanka mayeedhaanka ah kaga soocan nahay, ee inna gaadhsiiya heerka insaaninnimo—kaas oo lagu qeexo in uu yahay noole hadla. Qalinku waxa uu carrabka sii dheer yahay, in uu qofka hadalkiisa ka gudbiyo goortii iyo goobtii uu ka yidhi. Waxaa lagu akhrin karaa meelo kala dheer, xilliyo kala fog, kan hadda nool iyo mid qarniyo ka dib dhalan doonaaba waa ay ka faa’iidaysan karaan iyaga oo aan isku cidhiidhyin. Qoraalku waxa uu hadalka ka dhowraa qashqashaadda iyo beddelaadda ay af-ku-tebintu u keeni karto.
Qoraalku waa kayd.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 432 Page

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *