NOLOL IYO NASTEEXO (FREE)

Sidee Carqaladaha Looga gudbi karaa?

Dhammaanteen waxaynu la tacaalaynaa inta aynu nool nahay oo dhan waa carqalad nolosheena ku jirta, oo hadba markaynu mid ka gudubno aynu u gudbayno tu kale; midba midka ka danbaysa ayay inoo sii diyaarinaysaa Isbedelka aad rabto in aad samayso. mararka qaar waqti badan ayuu kugu qaata, halka dadka qaar uu ku qaato muddo gaaban inuu isbedel ku sameeyo.Halkna waxaan waxyar ka taaban doonaa qodobo kaa caawin doona in aad ka kor marto carqaladahaaga nololeed ee kala duwan isbdel dhab ahna aad u samayn karto.

1: Fahan oo dareen: In aad fahanto oo aad dareento carqaladaha ku haysta ee kala duwan waxay kaa caawinaysaa in aad xabad xabad uga takhalusto adigoo wax ka baranaya isbedelkii aad rabtayna aad samayso. Khalad ugu wayn ee aynaan ugu gudbin carqaladaheena ayaa ah inaynaan fahminba.
2: U fiirso: In aad u fiirsato waxay kaa cawinaysaa in aad si fiican u falanqayso oo aad u fahanto carqladahaaga ugu danbayna xal u hesho.
3: Qorshee isbedel: In aad qorshayso oo aad dhigato Istaraatajiyad cad oo aanu madmadaw ku jirin waxay kaa caawinaysaa in aad si qurux badan uga gudubto carqaladahaaga isbedelna u samayso.
4: Bedel Hab-fikirkaaga: Halka ugu horaysa ee uu qofku ka jabo waa hab fikirka, haddii aad badasho hab-fikirka aad ka haysato carqalada iyo noloshaba waxa hubaal ah in aad samaynayso isbdel dhab ah si fududna aad uga gudbi karto isla carqaladahaaga nololeed. U fikir si balaadhan oo togan, adiga oo aan xaqiiqadana iska indho tirayn.
5: Aqbal masuuliyada noloshaada: In aad aqbasho masuuliyada noloshaadu waxay kaa caawinaysaa in aad hesho kalsooni dheeraad ah oo aad ka qabto naftaada, taas oo sababaysa in aanad cidna ku halayn horumarkaaga eedna aanad cidna ku saarin waxyaalaha aad khasaariso iyo guul darooyinkaaga.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 46 Page
Size: 3 MB

2 thoughts on “NOLOL IYO NASTEEXO (FREE)”

  1. Hamze Ahmed Abdullahi

    Qofka akhriska badani wuxuu indho u yahya bulshada, wuxuu u hogaamiyaa dhanka horumarka iyo hanashada himiladooda….🍁

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *