NINKII BAABILA UGU HANTIDA BADNAA PDF

HORDHAC

Buuggan waxaa la dhahaa Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa (The Richest Man in Babylon), waxaa luuqadda ingiriisiga ku qoray qoraa maraykan ah oo la dhaho George Samuel Clason, balse waxa afkeenna hooyo ku turjumay Dr. Jaamac Sahal. Buuggani waxa uu awoodda saarayaa sida ugu sahlan ee uu qofku ku noqon karo taajir, iyo sida lacagta loo kala dhigto, loo maalgashado, ra'samaal wacanna looga sameeyo. Waxa uu qoraagu kaga hadlayaa jeeb madhnaanta iyo sida lagu daaweeyo oo uu toddoba daawo oo mid walba si faahfaahsan uga hadlayo sida ay ku suuragelayso. Waxa iyana muhiim ah in buuggu uu ka hadlaayo waxa loo yaqaan nasiibka iyo ka faa'idaysigiisa. Waxa hubaal ah in noloshu fursado badan ay siiso dadka, kuwaas oo ka caawin kara hadafyada u dejisan, balse in badan oo dadka ka mid ah waa ay lumiyaan fursadahaas, buuggu isaga oo middaas ka duulaya ayaa uu soo qaadanaya sheekooyin badan oo tusaale u ah sida dadkii laga weriyey ay fursado cajiib ah u soo mareen iyo sida ayna uga faa'ideysan ama u lumiyeen.

Buuggu waxa uu leeyahay inta badan lumista la lumiyo nasiibka ama fursaddu waxay keentaa inaanu qofku halkiisa ka horumarin ama uu faqiir sii ahaado. Sida oo kale waxa uu qoraagu ka hadlayaa sida qof walba guul u gaari karo. Guushu waa in heer laga gaaro qorshayaasha iyadoo loo adeegsanaayo dedaalka iyo awoodda. Sidoo kale, buuggan waxa uu ka hadlayaa sida sabool-nimada la isaga daaweeyo oo waxa uu akhristaha ku hagayaa inuu fahmo dhaqaalaha, dhab ahaantii tani waa ujeedada buugga ba loo qorey. Waxa uu iftiimin u sameynayaa dadka doonaya inay guul dhaqaale gaaraan. Keydka ayaa uu sidoo kale buuggu aad isu dul taagaaya. Waxa xusid mudan in buuggu dib u eegayo magaaladii Baabila oo ah halkii uu ka dhashay xeerka saldhiga u ah dhaqaalaha maanta la adeegsado.

Baabila waxay noqotay magaaladii adduunka ugu hantida badnayd iyada oo keentay in dhammaan dadkeedu noqdaan dadkii ugu hantida badnaa umaddii xilligaa noolayd. Qiimaha lacagta iyo hantida ayay qirsanayeen. Waxay ku dhaqmeen xeerar iyo hababka lacagta iyo hantida lagu helo, loo keydsado, looguna shaqaysto. Buuggan waxa uu ka kooban yahay 10 Cutub oo faah-faahsan oo kuu horseedi kara isku-filnaansho dhaqaale.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 156 Pages
Nooca: PDF
Size: 1 MB
Lacagta: $2

3 thoughts on “NINKII BAABILA UGU HANTIDA BADNAA PDF”

  1. Tһank you for some othеr great post. Where else may anybody get tһat kind of info in such a perfect manner
    of writing? I’ve a presentation subsequent week, and I’m at the look for such informatiⲟn.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *