Buuggan la magac baxay Maxaan u dooranay Dariiqa Faqriga?
Waa buug lagu qoray afka hooyo waxa aan rajaynayaa inuu wax badan ka tari doono horumarinta dadka afka soomaaliga ku hadla, iyo sidii ay uga bixi lahaayeen faqriga. Kitaabkan waxaan ku soo uruurinnay konton sababood oo faqriga keena.
Arrimaha ku qorannina waa arrimo dhammaantood qof kasta oo akhristaa uu dareemi karo kana marag kici karo inay yihiin wax jira oo dhab ah. Akhristaha waxaan kula talinneynaa inuu Naftiisa qiimeeyo oo qodob kasta uu dul istaago oo uu is weydiiyo bal halka uu ka taagan yahay, ka dibna uu naftiisa darajo siiyo.
Marka uu dhameeyo akhriskana uu darajooyinka isku geeyo si uu u ogaado heerka uu taagan yahay, qodobbada markaa uu ku liitana uu ka hawlgalaa sidii uu iskaga sixi lahaa. Haddii darajadaadu ka hooseeyso boqolkiiba konton, waxaad ku sugan tahay Xaalad halisa oo u baahan in aad sida ugu dhakhsaha badan leh go'aan dagdagga uga qaadato sidii aad naftaada is baddal ugu samayn lahayd.
Haddiise aad keento darajada 50% iyadana waad hoosaysaa, waxaanad kamid tahay bulshada dhexe oo quutal daruuriggaaga waad iska heshaa, horumar badanna ma lihid, markaa is daba qabo oo wixii kaa dhiman ku dar, oo qodobadda aad ku dhacday iska sax. Kolba darajada aad keentaa waxay ka turjumaysaa heerka horumarkaaga dhaqaale taagan yahay.
Faqriga iyo Hodannimada sidee bay diinteena ugu hadashay?
Hodannimmada iyo faqriga labaduba marka hore waa imtixaan, qofka qaniga ahna waxaa la eegayaa bal waxa uu ku sameeyo xoolaha Alle siiyay, kan faqiirka ahna waxaa la eegayaa inuu ku samro iyo in kale. Waxaa kale oo in la tilmaamo mudan in kala qaybsanaanta dadku ay u kala qaybsan yihiin qani iyo faqiir ay xikmadi ku jirto,
oo haddii dadku qani wada ahaan lahaayeen noloshu macno ma yeelateen, sidoo kale haddii ay faqiir wada ahaan lahaayeena macno ma yeelateen.
Iyadoo ay sidaa tahay ayaa haddana in la xuso mudan in qof walba uu xorriyad buuxda u haysto inuu faqiir noqdo iyo inuu Qani noqdo, maxaa yeelay dariiqa faqriguna waa mid cad oo sababihiisa wata, dariiqa Qaninimaduna waa mid muuqda oo sababihiisa wata.
Ninka dunida ugu qanisan ee la yidhaahdo BIL GATE ayaa wuxuu yidhi: "haddii aad dhalato adiga oo faqiir ah wax danbi ah kuma lihid, balse haddiise aad dhimato adiga oo faqiira taas danbi baad ku leedahay". Nin gaala hadalkiisa inaan daliil ka dhigano waa laga fiican yahay, laakiin gaalku wixii xikmada ee diinteenana aan ka hor imannayn waa laga qaadan karaa.
Tani waxay la mid tahay qofku wuu dhalan karaa isaga oo aan wax ajar iyo khayr midna wadan, haddiise uu dhinto isaga oo sidii uu ku dhashay ah oo aan waxba khayr shaqaysan taas danbi buu ku leeyahay, tan iyo taasi waa isku mid waxba kuma kala duwana. Waa fikir qaldan inaan qaddarka Alle u daliishano faqrinnimadeena oo aan nidhaahno: ILAAHAY baa noo qoray,
sidaa waxaan odhan karnaa marka aynu sababta oo dhan la nimaadno ee haddana aan waxba ku heli wayno, laakiinse inagga oo iska fadhina oo aan far dhaqaajinayn inaan qaddarka ILAAHAY xujo ka dhigano taasi maaha mid diinteena daliil ka haysata. Inta badan waxaa dhacda in haddii qofku sababta la yimaado Allena talada saarto aanu hoojinnayn ajarkiisana aanu dayacayn, sida ilaahay (Subxaanahu Watacaalaa) quraankiisa ku sheegay:
فإن الله لا يضيع أجر المحسنين
( ilaahay dadka muxsiniinta Ajarkooda ma lumiyo).
Marka aan eegno dunida aan ku nool nahay, waxay u kala qaybsan tahay duni xaga dhaqaalaha ka horumartay iyo duni xaga dhaqaalaha dib u dhacday.