MAXAA QAABEEYA QOFNIMADAADA? (FREE)

HORDHAC

Maqaalkan hoos ku qoran waxa uu ka warramayaa waxa qaabeeya qofnimada aadamaha, iyo marxaladaha maskaxeed ee uu maro qofku inta uu korayo. Sida aynu wada ognahay shaqada ay maskaxda aadamuhu qabato waxa ay culimada kasmo nafeedku u qeybiyaan saddex qaybood.

1- Thoughts " Afkaar ".
2- Emotions " Dareen ".
3- Behaviors " Dhaqamo".

Saddexdaa shaqo oo is dhameys tiraya ayaa shakhsiyadda qofka qaabeeya. Qof walba waxa uu kaga duwan yahay kan kale waa in uu si ka duwan, iyo meelo ka duwan ka helay saddexda shaqo ee kor ku xusan.

Su’aasha is weydiinta mudan waxa weeyi sideebuu qofku fikirkiisa, dareenkiisa iyo dhaqankiisaba u kasban karaa?
Se waa halkee meesha uu ka kasbanayaa?
Si aynu su’aashan uga jawaabno waa in aynu marka hore garaadka qofka iyo qeybihiisa wax ka iftiiminnaa, innagoo tusaale ku muujineyna , ugu dambeyna marxaladaha lagu unko shakhsiyadda qofka wax ka nidhaahnaa.

Garaadka qofka waxa loo qeybiyaa saddex qeybood:-

1. Qeyb si joogo ah u shaqeysa oo aan marna kifir iyo xusuus dheeri ah u baahneyn “conscious mind”. Tusaale ahaan, haddii aan ku weydiiyo magacaa? Uma baahaneysid in aad ka fikirto magaacaga, amma haddaan ku idhaa halkeed joogta?, iskuulkeed wax ka barataa?, xaafaddeed degantahay?! Waxaas oo dhami waxa ay ku jiraan garaadkaaga soo jeeda, u mana baahna in uu qofku ka fikiro, isla markaana dedaal dheeri ah galiyo.

2. Qeyb soo jeedda/shaqeysa balse u baahan in aad fikir iyo xasuus galisid, kadibna xogta usoo gudbisa qeybta koobaad sidaasna lagu hawl galiyo xogtii la xasuustey “pre-conscious mind”. Tusaale ahaan, haddii aan ku weydiiyo macallinkaagii juquraafiga fasalkii siddeedaad magiciisa? Hadda maad xasuusneyn balse inta aad woxogaa ka fikirto ayaad leedahay hebel.

Haddaan ku idhaa gabadhii kuugu horeysay ee aad jeclaatey magaceed? Wakhtigii kuugu horeysay ee aad meel heblaayo aragto? Sannadkii aad jaamicadda bilawdey? Su’aalahaas oo dhan jawaabohoodu waxa ay ku jiraan qeybta labaad, balse waxa ay u baahantahay in aad ka fikirto oo aad keento xogtaa qeybta koobaad si aad uga war celiso waydiimahan.

3. Qeybta saddexaad waa garaad damsan ama aan soo jeedin “unconscious mind”, marka loo barbar dhigo labada hore aad ayey uga weyn tahay, waana qeybta dhabta ah ee qofnimadaada inta ugu mudan qaabeynaysa. Waxa ay kaga duwan tahay labada qeybood ee hore dhawr shay oo la yaable leh.

- Qeybtani uma fikirto si macquul ah “logic”.
- Xogaha ku keydsan uma kala soocna wax hadda jooga “present”, wax hore u dhacey “past”, iyo wax dhici doona “future” midna.
- Dhammaan xogaha ku keydsan waxa loo tix galiyaa wax hadda jooga “present”.
- Xogta ku keydsan qofku doonistiisa kuma keeni karo qeybaha hore, si uu ula wadaago bulsha[ma xasuusan karo].
- Ma kala saari karto xaqiiqda, iyo mala’awaalka.

Tusaale ahaan, markii aad yareyd waxyaabihii dhacayey ee kugu xeersanaa waxba kama xasuusatid, taa macnehedu maaha in aaney maskaxdaada ku jirin, balse waxa ay ku jirtaa qeybtan dambe ee shakhsiyaddaada inta ugu badan qaabeynaysa.

Haddii xogahaa aad keydisay yaraantaadi ay yihiin qaar si togan loo dhisay shakhsiyaddaadu waxa ay noqoneysa mid togan, waxa ayna u kala xoog badan yihiin xoguhu sida ay u kala horreeyaan. Tusaale ahaan, xogtaad qabatey 18kii bilood ee noloshaada ugu horreeyay ayaa ka saameyn badan xogtii aad qabatey 18-36 bilood intii u dhexaysay, iyadna waxay kasii saameyn badantahay xogtii aad qabatey 3-6 sano intii u dhexaysay. Kor uun u wad illaa uu qofku ka dhimanayo. Fikraddan waxa iska leh caalimkii kasma nafeedka ee la odhan jirey Eric Ericson.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 16 Page
Size: 300 KB

2 thoughts on “MAXAA QAABEEYA QOFNIMADAADA? (FREE)”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *