MASHRUUCII LA DAGAALANKA NUURKA PDF

HORDHACA BUUGA

Buugaan waa buug koobsanaya gabood falada iyo xero ka waydaarinta dadka muslimiinta iyo dadka somalidaba lala damacsan yahay ee ay ku hawlan yihiin reer galbeedku. Sheekada buuggan ku qoran ma aha mid ka hadlaysa naftayda iyo qof kale toonna, waase humaagyo rumaad ku tusaya dunida qarsoon ee aad ku dhex nooshahay. Jilaha buuggu waa sida qof hurdo kaa kiciyay habeen madow oo doonaya in uu ku tuso khatar kugu xeersan oo aadan ka warhayn.
waxaana uu buugu ka kooban yahay 33 qaybood.
waxaana qoray buuga: Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac

QEYBTII KOOWAAD:

Waxaan safar gaaban ku imid magaalada London cariga Ingriiska, anigoo u socda ka qaybgalka xaflad aroos oo ehelkayga ah. saddex cisho markaan joogay ayuu ila soo hadlay nin ka tirsan urur ka mid ah kuwa sida qarsoon u shaqeeya. Wuxuu igu balamiyey maqaaxi caan ka ah magaalada London kuna taal South Kensington oo la yidhaa Gails Bakery.
Waan imid anigoo werwer yar igu jiro oo isweydiinaya wuxuu iga rabo. Markaan cabaar fadhiyey ee aan bun iyo macmacaan meeshii ku cunay ee aan kolba saacadda hoosta ka eegayo. Waxa si kedis ah ii soo dul istaagay nin cad, wuxuu ii sheegay in la isoo diray oo uu ii qaadayo Hoteel.

Waan soo raacay gaadhigii wuxuuna i keenay Hoteelka Riverbank Park Plaza oo ku yaala bartamaha London. Qof baa ii sii taagnaa albaabka oo si diiran iigu soo dhaweeyey Hoteelka. Wuxuu ii kexeeyey qol albaabkiisa ay ku qornayd tirada 322. Qolka markii aan galay ayaan sariirta ku dul arkay suudh madow, Shaadh madow iyo kabo madow. waan maydhay, sidii la ii tilmaamay ayaan dharkii madoobaa ku labistay. Cabaar ayaan daawaday London Eye oo toos ugu beegan daaqada qolka aan ku jiro. Waa meel ka mid ah meelaha ugu bilicsan magaalada London, dalxiisayaal badana way joogeen.

Gabalku wuu sii dhacayaa anna weli waxaan taaganahay daaqada. Garaac xooggan ayaa albaabkii la igu soo tumay, hadana waa la iska furay anoo yaaban ayuu igu yidhi: Mudane, waxa bilaabmaysa soo dhawayntaadii. Waan soo raacay, wuxuuna i fadhiisiyey miis mari madow lagu sharaxay, shaqaalahu dhamaan dhar madow ayey ku labisnaayeen. Miiska waxaa saarnaa khamri cas, waraaq sida saddex xagalka u taal oo ay ku qoran tahay ''welcome to the brotherhood'', ku soo dhawaw walaaltinimada, iyo sidoo kale waxaa taala hees magaceedu yahay "Welcome Home", Ku soo dhawaw guriga.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 275 Page

2 thoughts on “MASHRUUCII LA DAGAALANKA NUURKA PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *