MARIN HABOWGA SHIICADA (FREE)

Hordhaca buuga

Maxaa shiicada laga doonayaa oo loo hadal hayaa waayadan?

Muxuuse Calankeedu maanta u babanayaa oo ay ugu muuqataa fagaarayaasha
Siyaasaded, Ciidameed, diineed, iyo warbaahineed?
Halkey u socotaa oo ay hayaan u tahay?
Maxay ugu dhex muuqataa diin ahaan iyo siyaasad ahaanba Wadamo badan oo aan lagu ogeyn?

Weydiimahaas iyo kuwa kaleba waxaad moodaa in bushaweynta Muslimiinta Maanta oo qiyaastii kor u dhaafey 1.5 bilyan ay is weydiinayaan.

Siicada oo qiyaastii inka badan kun sano ka jirey dunida muslimka, meelo badan oo ka mid ahna ku laheyd dad raacsan oo caqiidadooda rumeysan, taariiqda islaamkana raad ku yeelatay oo xilliyada qaarkoodna dunida muslimka meelo ka mid ah xukumayey, ayaa maanta Waxaa aad usoo muuqdey iney si xawli ah u dardar galiyeen fidinta fikirkooda iyo waxey rumeysan yihiin,
Waxaad arkeysaa wadamo badan oo aan taariikh ahaan lagu aqoon Shiicada iney maanta xarumo iyo masaajido ku leeyihiin sidoo kalena dad raacsan.

Inta badan Muslimiintu wax badan kama oga Shiicada Caqiido ahaan iyo sooyaalkeedii taariikheed. ogaal la'aantaasi ayaa keentay iney si xoog leh maanta ugu fido dunida, gaar ahaan Soomaalida oo waayadan dambe ay mowjaddaasi sidato si doqoni ma garato ahna loogu dhex faafinayo fikirka Shiicada gudaha wadanka iyo dibadiisaba iyada oo lagu beer la xowsanayo jaceylka (Aala beytka) iyo fikirka qiiq isku qarinta ah ee waayadan dambe ay lasoo shir tagaan ee ah waa laynagu been abuurtaa Saxaabada wax kama sheegno
Kitaabkeena waa Qur'anka ay muslimiintu haystaan, iyaga oo adeegsanaya Caqiidada (Taqiyada) la yiraahdo oo diintooda ka mid ah (taasoo ah iney u banaan tahay in waxa ay rumeysan yihiin ay ka been sheegaan). Hadaba, si dadka muslimiinta ah Looga badbaadiyo bidcada iyo khuraafaadka fikirka Shiicigu xanbaarsan yahay, Waxaa lagama maarmaan ah in la cadeeyo Shiicadu waxa ay tahay, waxey aamin san yihiin, Waayahoodii taariikheed ee ay isla soo mareen dowladihii islaamka iyo Khatartooda.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 60 Page
Size: 1 MB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *