MALABKA SUUGAANTA (FREE)

HORDHAC

Buuggaan waxa aan ku soo aruuriyay, ama aan ku soo koobay, gabayada iyo heesaha aan curiyay qayb ka mid ah, kuwaas oo aan isleeyahay bulshadu waxa ay ka heli kartaa, micno iyo murti aad u weyn, ayna ka dheehan karaan oraahyo xambaarsan erayo ay ku lifaaqan yihiin micno iyo murti aad u dhumuc weyn oo si xikmad iyo xilkasnimo leh looga soo shaqeeyay, gabayada buuggaan ku xusan inta badan waxa ay ku saabsan yihiin, hogo tusaaleyn iyo dhiirigalin loo jeedanayo bulshada soomaaliyeed, si ay uga waantoobaan, qabyaalada iyo isquursiga ka reebay qabiilooyinka aduunka, sababna ugu noqotay inay sodon sano iyo wax ka badan ay si micno la,aana isku laayaan.

GABAYGA 2AAD EE BUUGA

TALO SIIN (GABAY)

Sidoo kale gabayada aan curiyay run ahaantiina aan isleeyahay waxtar weyn ayay u leedahay qofkii haysta maskax uu ku fahmo, inkasto oo dadku u badan yihiin Dad waxa dhageysta laakiin madax maran kala tago, si kale hadaan u dhigo aysan qalbigooda siin fursadii uu ku fasiri lahaa Waxyaabaha ku soo dhacaya qalbigooda, maqalkoodana aysan u weereen si wanaagsan, Aniga oon ku dheeraa doonin falanqeynta, lyo faahfaahinta gabaygaan waxa aan fahan guud ka bixinayaa sababta keentay iyo ujeedada uu ku qotomo gabaygaan hadii aan ku hor maro sababta gabaygaan waxa uu ku yimid markii aan arkay taxadar la,aanta iyo foorjigni xumada haysta ummada soomaaliyeed, misna aan wada tashi iyo wada fariisi toona dhex ool. Sidoo kale ujeedka gabaygaan walow laga dheehan karo ujeedooyin fara badan, bulshaduna ay u fahmi karto siyaabo kala gadisan misna u jeedka toos ka ah ee gabaygaan uu ku soo baxay waa wada xaajood la,aanta iyo is haruufka ka dhex jira madaxda soomaaliyeed, waana arimaha aan isleeyahay waxay hormuud uyihiin tafaraaruqa dadka soomaaliyeed. Gabayguna waxa uu ku bilaabanayaa sida tan:

• Cabdiyow ninkaan taxadareyn, wuu tukubayaaye
• Tacadigaan la joogiyo dunidaan, la isu tumanaayo
• Garaad uu ku taamiyo qofaan, haysan xeel tamar leh
• Ama aan tashiyo raadineen, uu ku taba gaaro.
• Ama aan awood turuq leh iyo, haysan xooga toganba
• Dhaqsay ugu tumaayan ku waan, taabka buuxsadaye
• Mid kastoo ka taag roon tunkuu, uga fariisaahe.
• Tacadiyo waxaa lagu dhigaa, toos xanuun badane
• Anaguna tabtaan nahay markaan, eegay tubeheeda
• Waxa taranta noo diiday iyo, nabada taashkeeda

• Oo dawladnimo taagan iyo, taba san noo diiday
• Ee taladii naga owday iyo, inaan wax taabeeno
• Ee taxadar noo diiday iyo, wada jir toolmoonba
• Ee tobankii meel wada tagaa, seef isugu tooqi
•Waxa taba warkaan keenay iyo, tiiqaan iyo hoogan
• Ee turunturada noo diliyo, talo wareerkeena
• Tabta aan isleeyahay hadaan, tix uga faaloodo
• Aan tixixee ta.daan iga qoroo, galiya taariikhda
• Marka hore waxa talada iyo, tacabka noo geystay
• Oo nabada tiirkeedi iyo, dumiyay taashkeedi

• Oo inaan is taakulino iyo, tubosan noo diiday
• Oo midnimadii lagu taami jiray, galiyay tiifoowga
• Waa qabiiladaa lagu talami, laguna tookhaayo
• Marka xiga waxaan tuhunsadee, anigu toobsaartay
• Waa siyaasiintaa tabane, tabaca raadaaya
• Oo haday dadkaan talo mutaanoo, badi loo toogayo
• lyagana wax loo taage oo, lacag yar loo tuuro
• Ay cadawga taageerayaan, shacabka tiifaaya
• Oo hungurigu tooshkooda yahay, amase tiirkooda
• Markastana tilaabada u dhigi, tabac aduun beera

• Dhanka kalena madaxdaan tixane, tobanka gaareeda
• Ee mid duba tuulada xukumee, amar ku taag leynin
• Misna aan tixgalin iyo dhex ool, talo wanaag toon
• Oon howla togan iyo dhex ool, garasha toomoonba
• Oo qolaan tafiirkooda rabin, kharash ku taageeri
• Dhibaatooyinkaa taagay ee, nabda taakeeyay
• Inta tuhunku uu iga galee, toosh ku ifaayo
• Anoon tirida gaaraynin oo, tab u sifaynaaynin
• Misna ku waan tixee, toosiyee gabal tusaaleeyay
• Waa togaan is leeyahay, iyaga ugu tunwaaweyne

• Oo hadii tab loo saaro iyo, tacadar loo raadsho
• Tiih iyo dhib laga tagi lahaa, iyo tariigaane
• Walow eebe tii uu qadaro, tab u ahaanayso
• Misna taxadar waa uu jiraa, lagu tanaadaaye
• Qof kastaba markuu tacab maroo, dhidid ka tiiqtiiqo
• Yuu guusha tiirkeed helaa, kuna tanaadaaye
• Qofna taab ma buuxsado asagoon, taw ka soo dhicine
• Dalkayagana tacadiga ka jiree, lagu tabaaloobay
• Xal in looga tago maahan oo, caaqil taliyaaye
• Turuq iyo awood waa waxaan, lagu tanaadeene
• Inta tacabka noo baajidaan, talo inoo keena

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 53 Page
Size: 6 MB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *