MAAREYNTA WAQTIGA PDF

HORDHACA BUUGA

Buugaan waxuu ka hadlaayaa waqtiga uu (Allaah Subxaanahu Wa tacaalaa) noogu deeqay qiimaha uu ku fadhiyo , oo ah mid muhiim ah lana doonayo qof kasta inuu ka faa’ideesyto waqtiga sida ugu wanaagsan, Asagoo is barbar dhigayo waqtiga uu haaysto & howlaha hor yaalo.

Waxyaabaha igu riixay inaan qoro kitaab kaan waxaa ka mid ah markaan arkay sida ay dadyowga aduunka waqtigooda uga faa’ideeystaan & soomaalida sida ay waqtigooda u dayacaan, waxaan badanaa argnaa maalmo badan oo naga dayacma,

waxaan ku baraarugnaa gabalka oo sii dhacaya , markaasaan ka qoomameeyaa maalintaas muhiimka ah oo aan wax badan uga faa’ideysan karnay oo sida fudud nagu dhaaftay , kadib waxaan is ku qancinaa inaan beri qaban doono howlihii na dhaafay maalinkaas , beri markii la gaarana isla sidii ayey noqotaa.

Si aan wax uga barto cilmiga maareynta waqtiga , waxaan gudo galay inaan akhriyo bugaagta ka hadleysa maareynta waqiga , si aan uga qeyb qaato daaweynta dhibaatadaas na wada haaysata ayaa waxaan jecleystay in cilmigii aan halkaas ka bartay aan usoo gudbiyo umadda soomaaliyeed oo waqtigooda inta badan uu dayacanyahay,

anigoo ku soo qoray afkeena hooyo si ay in badan oo soomalida ka mid ah uga faa’ideeystaan buugaan qaaliga ah oo aan aaminsanahay hadii aad hirgaliso waxa ku qoran ay noloshaada si dag dag ah isku badaleyso in shaa allaah. Bal si fiican u dhuux waxa ku qoran iskuna day inaad dhaqan galiso.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 152 Page

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *