MAAREE NOLOSHAADA PDF

HORDHACA BUUGA

MAAREE NOLOSHAADA (SOMALI)

Waxaa laga yaabaa inaad mararka qaarkood dareento in noloshaadu u socoto si kaduwan sida aad jeceshahay. Marka aad dib u eegto sanadihii cimirigaaga ka tagay waxaad dareentaa inaadan gaadhin meeshii aad rabtay inaad gaadho. Waxaad eegtaa mustaqbalka waxaanad ilaahay baridaa inuu kugu galadaysto awood iyo tamar aad ku samayso wixii hore aad u kari wayday. Kitaabkani waxaa loogu talagalay ruuxa ku sugan xaalada aan kor ku soo sheegnay oo kale wuxuu la hadlayaa ruuxdaada wuxuu kugu hagayaa himiladaada Kitaabkani wuxuu kaaga sheekaynayaa hadafka noloshaada, sida aad waqtigagaaga uga faaiidaysanayso, sida aad naftaada u maaraynayso iyo sida aad go’aanada u qaadanayso.

Qorshaha naftaadu waa dariiqa kuu bildhaaminaya (iftiiminaya) meesha aad u socoto iyo sidii aad ku gaadhi lahayd. Waa arimaha buugu si fiican oo hufan uga hadlayo, Ka faaiidaysiga waqtiguna waa arin soo hoos galaysa Qorshaha oo marka uu ruuxu noloshiisa qorshe cad ka leeyahay oo barnaamij u dejisan yahay waqtigiisana wuu ka faaiidaysanayaa.Cilmigu kaligiis macno ma sameeyo hadii aan ficil lagu darin waxaan shaki ku jirin in hadii aad buugan cilmiga ku qoran noloshaada ku dabaqdo in waxbadan ay iska kaa badali doonaan horumar wayna aad gaadhi doonto insha Allah.

Buuggaan oo dhameystiran:
Waa: 81 Page

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *