MAAMULKA HALISTA FOREX (FREE)

Ma Ogtahay Akhriste?

In 90% dadka bilaawga ah ee ku khasaaraan forex mudo 90 Maalin ah gudahood! Kadibna ey kaniyad jabaan suuqa iyagoo ka aamina in ee tahay meel lagu dhaco hantidooda, badanaa dadka ku cusub forex waxeey lakulmaan khasaaro joogta ah kaasoo keena ugu dambeyn in eey ka niyad jabaan, maxaa yeelay markii hore ayaa looga sheekeeyay in forex ey tahay meel si fudud iyo mudo gaaban looga taajiro, dabadeedna waxeey hilmaamaan in forex uu ku hareereesanyahay qatar horseedi karta in hantidooda oo dhan gebi ahaanba ey kuweyn karaan Waa haddii eysan kataxadarine.

Marka Hore Waxaad Niyadaada Galisaa In Forex uu LeeyahaY Khasaaro

Waa muhiim marka hore in aad niyada ku heyso in Ganacsiga Forex lagu khasaari karo, arintaas Forex wuxuu kalamid yahay ganacsiyada kale ee caadiga ah kuwaas oo leh fa’iido iyo khasaaro intuba. Hase Ahaate waxaa Muhiim Ah In Khasaarahaagu Xad Yeesho oo uusan xadka kabixin si aad muddo dheer uga sii shaqeysato suuqa.

Sida uu U Shaqeeyo Forex

Forex waa ganacsi aad ku qasbantahay in aad qatar (risk) galiso qeyb kamid ah hantida aad maalgashatay si aad faa’iido uga soo saarto, dad badan kuma baraarugsana arintan taasi waxee keenaysaa inaanu qofka iska xilsaarin mas’uuliyada saaran oo ah ilaalintada hantidiisa iyo ganacsigiisa, waa muhiim in aad maanka ku heyso in ey waajib kugu tahay in aad qatar galiso qeyb kamid ah lacagtaada Intee doontaba hala ekaatee kahor intaadan ku fakirin in aad faa’iido sameyso.

Isweydii Su’aalahan Mar Walbo

1. Boqolkiiba intee in la’eg oo kamid ah hantideeda ayaan halis galin kartaa?
2. Lacalla haddii aan ku khasaaro dhaawac intee la’eg ayuu ugaysan karaa akawnkeega?
3. Cadadka lacageed ee aan halis galinayo ma uqalmaa akawnkeega oo ma xamili karaa?
4. Muddo dheer suuq makusii jiri karaa marka loo eego xaddiga lacageed ee aan risk galinayo?

Su’aalahaas ayaa loo baahanyahay in aad is weydiiso kahor intadan galin trade, haddii aadan su’aalahan is weydiin waxaad ogaataa in aad ku fashilmi doonto forex oo aadan kusii jiri doonin suuqan mudo dheer.

Ugu dambeyn Marnaba haka quusan hana ka niyad jabin FOREX, nimaan kufin makaco ayeey Soomaalidu hore ugu maahmaahday, waxwalbo oo aad kala kulantid (ku adkeysato) guul ayaa kagaaree guushaas mid dhaw iyo mid fogba wey noqon kartaa.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 43 Page
Size: 1 MB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *