LACAGAHA CRYPTOCURRENCY PDF

HORDHACA BUUGA

Dunida cusub ee maanta lacagaheedu waxay isu sii beddeleyaan qaab cusub oo danab dhijitaal (digital) ah. Waxaa laga yaabaa in aad u baratay lacagaha shilin Soomaaliga, Euro, Dollar, ama kuwa kale ee aad isticmasho gacantana ku qaban karto ama arki karto, adigoo meel walba u qaadan kara ama siin kara qof walba oo markaas u baahan. Hadda dunidu sidaasi way ka tagtay oo waxaa soo baxay lacago hawo ah oo qaab dhijitaal ah leh. Waxaa laga yaaba in aad lacagahan taqaanno waddammada soo saaray ama adeegsada. Tusaale ahaan, lacagta doollarka Maraykanka waxaa iska leh dalka Mareykanka, lacagta Shilin Soomaaligana waxaa iska leh dalka Soomaaliya, balse lacagaha dijitaalka ahi way ka duwanyihiin kuwaas. Ma jiro qof gooni u leh ama si gaar ah u maamuli kara. Waa lacago dhijitaal ah oo aadan arki karin taabanna karin ee kali ah aad ka isticmaali karto kumbuyuutarkaaga iyo internetka.

Lacagahan caadiga ah ee hadda dunida ka jira waa lacago dawladaha leh tartan ka dhexeeyo dawlad kastaana rabto lacagteeda in ay awood u yeesho oo ay ka sarreyso lacagaha kale lacagahan cryptocurrencies-kuse way ka duwanyihiin, waayo tartan ka ma dhexeeyo. Lacagahaan hadda isticmaalno shacabku awood u ma laha in ay soo saaraan ama ay ka qayb galaan go'aammada lacagahaan balse lacagaha cryptocurrency qof walba ayaa ka qayb gali kara haduu haysto kumbuyuutar iyo internet uuna fahansan yahay, sida ay u shaqeeyaan softiweerada ku dhisan lacagahan. Lacagahan cryptocurrency ga ah ma laha maalmo u go'an ee maalin walba ayaad isticmaali kartaa adigoo dunida meel kasta ka jooga. Lacagahan hadda dunida ka jira awood ma siiyaan dadka shacabka ah, balse lacagahan cryptocurrency-ga ah qof walba ayaa ka qayb qaadan kara.

Tusaale ahaan, qofka jooga dunida saddexaad, sida Afrika, wuu ka qaybqaadan karaa lacagahan cryptocurrency waayo u ma baahna bangiga in uu soo furto ama uu maro nidaamyada bangiyadu ay dadka marsiiyan. Suuqaani ma ahan, sida suuqa FOREX oo kale ah furan Isniinta ilaa Jimcaha. Suuqaan cryptocurrency wuxuu furanyahay ilbiriqsi kasta, maalin iyo habeen. Ma laha wax la dhaho nasiino Jimce, Sabti, ama Axad. Ma laha wax la dhaho New York session (xilli ganacsiyeedka New York) ayaa furmaya ama xirmay. Suuqa FOREX waa suuq ay dawlado iyo bangiyada waaweyn awooddiisa gacanta ku hayaan balse suuqa cryptocurrency awooddiisa waa loo simanyahay.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 203 Pages

1 thought on “LACAGAHA CRYPTOCURRENCY PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *