KU RAAXEYSO NOLOSHAADA PDF

HORDHACA BUUGA

Miyaad faraxsantahay? Ma tahay noloshan aad ku nooshahay, nolosha aad dhab ahaan u rabtay inaad ku noolaato? Haddaba, kaalay oo ila fuul doonta "Ku Raaxaysiga Nolosha", doontaas oo kaa qaadi doonta halka aad maanta taagan tahay, kuna gayn doonta jasiirad aad u qurux badan oo ay naftaadu raalli ku tahay.

Waxaan aad ugu faraxsanahay oo aan kugu hambalyeynayaa, adigana isku hambalyee in aad gacanta ku hayso buugga "Ku Raaxayso Noloshaada" buug aad ka helaysid farxadda, ku raaxaysiga, macaanka, deggenaanshaha iyo quruxda nolosha. Waxaa hubaal ah in dad badan maanta adduunka ay raadinayaan farxad, deggenaansho iyo ku raaxaysiga nolasha.

Waxaa haysta kadeed, murugo, welwel, xanaaq joogta ah, jaahwareer, in badan waxay taagan yihiin quus iyo rejo la'aan. Buuggan aad hadda gacanta ku haysatid wuxuu kuu soo bandhigi doonaa talaabo kasta oo aad u baahantahay in aad qaaddo, si aad u hesho raaxada nolosha, dhanka ruuxda, maskaxda, qalbiga, jirka iyo dadka.

Waxaadna ka baran doontaa sida loo nooleeyo rejadaada marka ay noloshaadu mugdi gasho! Buuggan kuuma sheegi doono oo kaliya sida lagu gaaro raaxada nolosha, balse wuxuu kuu sheegi doonaa tallaabbooyin (practical) ah iyo talooyin waxtar leh oo aad ku dabaqi karto noloshaada. Dhammaan waxa ku qoran buuggan ma ahan mid ku dhisan qof fikirkiisa, balse wuxuu ka kooban yahay waxyaabaha saldhig (tiir) u ah farxadda.

Buuggan wuxuu ku dareensiin doonaa raaxada nolosha dhabta ah halka laga dhadhamiyo, waxaadna ka heli doontaa dhiirigalin aad u badan oo dhammaan beddeli doonta qaabka aad u aragtid farxadda, wuxuuna ku tusi doonaa in aad tahay qofka ugu farxadda badan adduunka, balse aanan is ogeyn! Marka aad akhriso buuggan waxaad noqon doontaa qof aan la joojin karin, ilaa uu ku noolaado maalin walba farxad.

Sababta buuggan:

Marka ay isoo weceen dad badan wiilal iyo gabdho oo i dhahaya: “Noloshan waan nacay waxba kuma haysto, jacayl ma haysto, cabsidaa igu badan, xanaaqa sanka ayuu iga saaran yahay, dhibaato weyn ayaa i haysata", qaarna dhahaya: “Abubakaroow marwalba oo aan isku deyo in aan dhoolla caddeeyo murugta ayaa iga awood badata waan ilmeeyaa!"

Waxaan la kulmay dad maalqabeenno ah iyo ganacsato oo i dhahaya "Sideen ku heli karaa raaxada iyo degnaanshaha Qalbiga?" Markaas kadib, waxaan arkay in baahi bulsho ah ka jirto loona baahanyahay in la qoro buug oo tallaabbo tallaabbo qofka ugu sheegi kara sida uu ugu noolaan lahaa nolol wanaagsan oo raaxo badan, una illoobi lahaa dhammaan murugta iyo welwelka haya!.

Waxaana isii dhiirrageliyay xadiiska Nabiga scw uu leeyahay: “Dadka Allah wuxuu ugu jecelyahay kuwooda dadka waxtar badan, camal la qabto waxaa ugu fadli badan in farxad la galiyo qalbiga qof mu'min ah". Alle waxaan ka rejaynayaa in uu iga mid dhigo dadka uu jecel yahay.

Ma jirto adduunka waxaan ka jecelahay in aan sabab u noqdo farxadda iyo dhoollacaddaynta qof Somaali ah, mana lasoo koobi karo farxaddayda marka aan arko in buuggani uu beddelay qof dhan noloshiisa! Maxaa ka qurux badan? Waxaan Alle swt ka rejaynayaa in uu buuggan ka dhigo buug suurta geliya in qofkasta uu ka helo aqoon ku filan si uu nolashiisa ugu raaxaysto.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 135 Page

1 thought on “KU RAAXEYSO NOLOSHAADA PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *