KASBO QULUUBTOODA (FREE)

HORDHACA BUUGA

Buug yarahan waxa uu si kooban oo qoto dheer uga hadlayaa cilmiga fagaare ka hadalka iyo waxyaabaha aasaasiyaadka u ah, sida khudabadaha iyo noocyadooda, inta loo qaybiyo iyo waliba waxyaabaha ay tahay in uu iska ilaaliyo madal ka hadluhu/ hadal soo jeediyuhu.

Faa’iidooyinka Barashada Fagaare Ka Hadalka

❖ In ay kobacdo awoodda aqooneed ee Fagaare ka hadalku.
❖ In uu qofku helo Kalsooni uu ku soo bandhigi karayo afkaartiisa wanaagsan iyo waliba xogta uu rabo in uu la wadaago koox gaar ah ama mid guud.
❖ In uu qofku horumariyo Aftahanimadiisa.
In uu qofku noqdo mid awood u leh in uu yeesho xirfadda ka dhaadhicinta (Persuasive Skill), taas oo ka saacidaysa in uu ahaado mid hadalkiisu mar walba saamayn ku yeesho cidda uu la hadlo.
In uu qofku barto Hanaanka Diyaarinta Qudbadaha.
In uu qofku barto kasbashada quluubta dadka.

Fagaare ka hadalka iyo Qeexitaankiisa:

• Fagaare ka hadalku waa hab iyo hanaan cilmiyaysan oo uu qof ula hadlayo koox dad ah, si uu uga dhaadhiciyo farriin uu sido.
• Fagaare ka hadalku waa habka uu qofku ula hadlayo koox dad ah oo qaabaysan hanaan u qaas ah, si uu u saameeyo, u madadaaliyo amaba uu wax uga dhaadhiciyo.
• Fagaare ka hadalku waa awoodda aftahanimo ee lagu kasbado quluubta dadka.

Fagaare Ka Hadalka iyo Shaqada:

✓ Wuxuu kaa caawinayaa in ay fikradaadu noqoto mid aad si fiican u gudbiso marka shirarka la iskugu imaado.
✓ In aad horumariso fikradaha ganacsi ee shaqadaada iyo shirkada aad la shaqaynayso.
✓ In aad yeelato awood xidhiidh oo saamayn leh.
✓ In aad yeelato saamayn.
✓ In aad noqoto qof heer garaadkiisu cabireed sarreeyo.
In aad noqoto qof haldoor u ah shaqaalaha, markay noqoto dhanka aftahanimada iyo kasbashada quluubta.

Fagaare Ka Hadalka iyo Waxbarashada

✓ In aad noqoto mid dhiirran oo awood gudbineed leh.
✓ In ay kalsoonidaada waxbarashado kor u kacdo.
✓ In aad hoggaamiso oo aad noqoto mid ka dhex muuqda Ardayda.
✓ In aad yeelato saamayn.
✓ In aad noqoto mid aanay dhib ku haynin in uu soo bandhigo fikradihiisa ama casharada loo diro, ugana soo baxa sida ugu quruxda badan.

Buugga oo dhameystiran:
Waa: 21 Page
Size: 572 KB

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *