KALKAALIYE PDF

Kalkaaliye (Nurse)

Nurse ama kalkaaliye waa qof katirsan habdhiska caafimaadka waxa eyna shaqadiisu tahay kor uqaadista caafimaadka, ka hortagga cudurrada, wacyigalinta bulshada (community orientation) daaweeynta iyo xaanaaneeynta bukaanka.
Waxaa jira nuucyo badan oo kalkaaliye ah waxaana ugu caansan:

Registred nurse (RN):

waa qof wata heer waxbarasho waxa uuna ka warqabaa lana tacalaa bukaanka, waxa uuna wacyigalin talabixin la xiriirta caafimaadka siiyaa bukaanada iyo bulshada.
Registred nurse waxa uu la hool galaa dhaqaatiirta iyo xirfadleeyda caafimaad meelo kala duwan (various settings).

Certified Registred Nurse Anesthetists (CRNA):

waa qof wata heer waxbarasho oo master degree gaarsiisan lehna xirfad iyo tababar aad u sareeya, waxa eeyna shaqadiisa tahay suuxinta bukaanka xilliga qaliinka (assisting with anesthesia during surgery).

Clinical nurse:

waa qof aqoon sare leh (advanced) waxa uuna u tababaran yahay sida dhaqtarka oo kale waxa eeyna shaqadiisa tahay ka warqabka bukaanada, tababaridda kalkaaliyaha iyo isku xirka bahda caafimaad ee goobta.

Critical care nurse:

waa qof aad u tababaran waxaana loo kaashtaa in uu wax ka qabto xaaladaha aadka u daran sida dhaawacyada xooggan, iyo in uu xalliyo dhibaatooyinka caafimaad ee dhimasho horseedi kara.

Perioperative nurse or scrab nurse:

Waa qof aqoon sare leh una tababaran ka shaqeeynta saalada iyo diyaarinta qalabka qaliinka ee markaas loo baahanyahay.
Scrab nurse: waxa uu si toos ulashaqeeyaa dhaqtarka xilliga qalliinka.

Mental health nurse:

waa qof u tababaran daaweeynta iyo xanaaneeynta dadka qaba xanuunada dhimirka (psychological disorders in patients).

Nuse midwife:

waa qof aqoon iyo xirfad uleh uureeyda, waxa eeyna caawiyaan hooyada xilliga uurka (pregnancy), foosha (labor) iyo dhalmada (delivery). Waxa eey hooyada siiyan wacyi galin laxariirta xanaaneeynta cunuga iyo qaabka noloshiisa bilowga ah loo maareeyo (adjesting to life with a newborn).

Nurse educator:

waa qof aqoonyahan ah xirfadne uleh in uu wax baro nurse. Shakhsiga nuucaan ah waxa uu badanaa ka shaqeeyaa kulliyada caafimaadka iyo goobaha wax lagu baro dadka noqonaya kalkaaliye.

Buuggan oo dhameystiran:
Waa: 115 Pages

5 thoughts on “KALKAALIYE PDF”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *